HomeCaalamkaFaahfaahin: Ninkii Soomaaliga ee dadka ku dilay Masjid ku yaalla Koonfur Afrika.

Faahfaahin: Ninkii Soomaaliga ee dadka ku dilay Masjid ku yaalla Koonfur Afrika.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Nin Soomaali ah ayaa waxa uu Khamiistii la soo dhaafay dil ka geystay Masjid ku yaalla Degmadda Malmesbury ee Galbeedka Gobalka Cape ee dalka Koonfur Afrika. Weerarkaasi waxa lagu dilay 2 qof, halka dhowr kalena lagu dhaawacay, sida ay baahiyeen Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi,   afhayeenka Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi, Amiir Shiikh ayaa sheegay […]

- Advertisement -

Nin Soomaali ah ayaa waxa uu Khamiistii la soo dhaafay dil ka geystay Masjid ku yaalla Degmadda Malmesbury ee Galbeedka Gobalka Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Weerarkaasi waxa lagu dilay 2 qof, halka dhowr kalena lagu dhaawacay, sida ay baahiyeen Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi,

- Advertisement -

 

afhayeenka Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi, Amiir Shiikh ayaa sheegay in Ninka dilka geystay lagu magacaabi jirey Nuur C/lle Carraale oo lagu naanaysi jirey Nuur Turaayo, isla matkaana uu ahaa Nin dhowr jeer laga daaweeyey cuddurka Dhimirka.

- Advertisement -

Afhayeenku waxa uu sheegay inaan Nuur Turaayo lagu aqoonin Rabshado, isla markaana uu maalintaasi doonayey inuu Munaasabadda Ciiddul-fitriga ku soo qaato Gacanka Saldanah ee Xeebta Galbeed ee dalka K/Afrika.

Afhayeenka dalka Koonfur Afrika waxa uu tilmaamay inay la hadleen Qoyska  Nuur Turaayo oo deggan magaalladda Muqdisho, isla markaana u sheegay Dhacdada geeridiida, waxaana la filayaa in mayka la aaso, marka ay Baarayaasha Boliska dalkaasi amraan in la aaso.

Ninka dilka geystay waxaa la sheegay inuu ahaa Gnaacsade ku nool magaalladda Bellville  isla markaana uu doonayey inuu Munaasabadad Ciidda ku soo ciiddo magaalladda Vredenburg ..

Labada ruux ee lagu dilay Masjidka Malmesbury ee dalka K/Afrika waxaa lagu kala magacaabi jirey Ismaaciil Bassa, kaasi oo ka soo jeeda Bulshadda Midabka leh ee dalka K/Afrika.

Marxuumka  oo da’da 70-aadka ku jiray, waxa uu  degganaa albaabka ku xiga Masjidka.

Qofka 2-aad ee lagu dilay Tooreyda waxaa la oran jirey Siyaad Ibraahim Xersi oo ahaa Ganacsade aabe u ahaa 10-carruur ah.

“Waxa uu ahaa Ganacsade ku sugan Bellville, waxa uu iibin jirey Boodharka Madaxa-xanuunka  (headache powder) oo ay Ddaka Reer Koonfur Afrika u yaqaanaan GRANDPA iyo kabo, wuxuuna ahaa Nin aan dhibaato lahayn” ayuu yiri Afhayeenka Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi,

Si kastaba ha ahaatee, Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa Gnaacsade dhibaato xagga DFhimirka qabay, maadaama la sheegay inay nasashadiisu yarayd.

hALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DHACDADAASI:

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories