HomeCaalamkaJilaa u geeriyooday naxdintii guul-darada Xulka Masar.

Jilaa u geeriyooday naxdintii guul-darada Xulka Masar.

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maahir Cesaam oo ahaa Jilaa caan ka ahaa Masar iyo Dunida Carabta ayaa geeriyooday, kadib, markii xanuun ka qaaday Ciyaartii 1-aad ee Xulka Masar iyo kuwa dalka Uruguay oo Xulka dalkiisa looga badiyey 1-0. Marxuum oo 38-jir ah ayaa la sheegay isagoo daawanayey ciyaartaasi galabnimadii Jimcaha inuu ku dhacay qalal, kadib, markii uu dhiig ku […]

- Advertisement -

Maahir Cesaam oo ahaa Jilaa caan ka ahaa Masar iyo Dunida Carabta ayaa geeriyooday, kadib, markii xanuun ka qaaday Ciyaartii 1-aad ee Xulka Masar iyo kuwa dalka Uruguay oo Xulka dalkiisa looga badiyey 1-0.

Marxuum oo 38-jir ah ayaa la sheegay isagoo daawanayey ciyaartaasi galabnimadii Jimcaha inuu ku dhacay qalal, kadib, markii uu dhiig ku furmay Maskaxdiisa.

- Advertisement -

Marxuumka oo xaallad miyir-beel (Koma’)  galay ayaa la sheegay inuu saakayto geeriyooday, isla markaana la aasay, sida laga soo xigtay qoraal ka soo baxay Ururka Fannaaniinta Masar (Egypt’s Actors Syndicate).

Qoraalka waxaa lagu xusay in Marxuumka Jimcihii loola cararay Isbitaalka Imbaba Hospital, kadib, markii uu xanuunsaday, waxaana loo gudbiyey Isbitaal Takhasus leh wax yar kadib markii ay xaalladiisa caafimaad ka sii dartay.

- Advertisement -

Jilaaga geeriyooday ee Maahir Cesaam waxa uu xanuunkan oo kale la kulmay bishii April ee sannadkii 2014-kii, wuxuuna Koma’ ku jiray muddp dhowr isbuuc ah.

Dhinaca kale, Jilaaga Masaarida ee Shariif Idris waxa uu tilmaamay in dhiiga ku furmay Maskaxda Marxuumka ka dhalatay carro uu ka qaaday Natiijadda Ciyaartii 1-aad ee Xulka Masar looga guuleystay Tartanka K/cagta Adduunka ee haatan ka socota dalka Raashiya.

Shariif Idris waxa uu Bartiisa Facebook-ga kaga digay dadka xanuunka qaba inaysan daawanin Ciyaaraha Koobka Adduunka, si aysan khatar u gelin Noloshooda.

Si kastaba ha ahaatee, Jilaaga geeriyooday ee Maahir Cesaam waxa uu jilay Aflaam badan, isagoo kala qeyb galay Jilayaal ay ka midy ihiin Caadil Iimaan iCathar Al-xakiim.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories