HomeCaalamkaIlaalo British ah oo gelbiyey Kumanaan Dalxiisayaal ku safartay Badda Somalia

Ilaalo British ah oo gelbiyey Kumanaan Dalxiisayaal ku safartay Badda Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa maanta qoray in Ilaalo hubeysan oo horey uga tirsanaa Mariniska Britain ay si qarsoodi ah ugu dhex milmeem 2,600 oo Dalxiisayaal, kuwaasi oo ku tamashleynayey Markabka Raaxadda leh ee Queen Mary 2. Ilaaladaasi oo huebysnaa ayaa loogu tala-gaalay inay Dalxiisayaasha ka badbaadiyaan Burcad-baddeeda ka qowleysata […]

- Advertisement -

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa maanta qoray in Ilaalo hubeysan oo horey uga tirsanaa Mariniska Britain ay si qarsoodi ah ugu dhex milmeem 2,600 oo Dalxiisayaal, kuwaasi oo ku tamashleynayey Markabka Raaxadda leh ee Queen Mary 2.

Ilaaladaasi oo huebysnaa ayaa loogu tala-gaalay inay Dalxiisayaasha ka badbaadiyaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

- Advertisement -

Wargeyska waxa u uqoray inuu Markabkaasi si nabad ah ku soo maray Gacanka Cadmeed, halkaasi oo ay Burcda-baddeedu ku xooggan yihiin.

Ilaaladda ayaa la sheegay inay Markabka dhakadiisa ku xirteen Hub iyo Tubooyinka laga tuuro biyaha xoogga leh, ay Burcad-baddeeda isaga waabiyaan.

Ciiddanka waxay Casharo Wacyi-gelin ah siinayey Dalxiisayaasha oo ay ka codsadeen inaysan Habeenkii Nalalka shidin iyo inay yareeyaan shanqarta inta uu Markabku marayo Badda Somalia.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray in Markabka Dalxiiska uu xawaare sare oo muddo 6 maalmodo ah ku maray Xeebaha Imaaraadka ilaa Jesiiradda loo dalxiis tago ee Caqaba ee dalka Urdun.

Kabtan Peter Philpott oo ka mid ahaa Ilaaladii la socotay Markanka waxa uu u sheegay Dalxiisayaasha inay ilaalo ka hayaan Ciiddanka Caalamiga oo ay QM u fasaxday inay Maraakiibta Ganacsiga ka badbaadiyaan weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Dhinaca kale, Afhayene u hadlay Ciiddanka Badda Boqortooyadda Britain ayaa sheegay inay twax caadi tahay in  Ilaaladooda lagu casuumo inay gelbiyaan Maraakiibta Ganacsiga marka sy safrayaan, si looga ilaaiyo Khatarta Burcad-baddeeda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories