HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali oo ay xaaskiisa geeriyootay oo codsi u diray Dowladda Maraykanka

Muwaadin Soomaali oo ay xaaskiisa geeriyootay oo codsi u diray Dowladda Maraykanka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Saciid Cilmi waxa uu ka codsaday Wakiilladda Kongareeska ee Gobalka VERMONT ee dalka Maraykanka inay ka taageeraan sidii Hooyadiisa oo ku jirta Xero Qaxooti oo ku talala dalka Uganda loogu fududeyn lahaa in la keeno  Maraykanka. Aabahaasi oo 34-jir ah waxa uu Codsigaasi Aadminimo codsaday, kadib, markii ay Xaaskiisa dhawaan ku geeriyootay shil gaari oo […]

- Advertisement -

Saciid Cilmi waxa uu ka codsaday Wakiilladda Kongareeska ee Gobalka VERMONT ee dalka Maraykanka inay ka taageeraan sidii Hooyadiisa oo ku jirta Xero Qaxooti oo ku talala dalka Uganda loogu fududeyn lahaa in la keeno  Maraykanka.

Aabahaasi oo 34-jir ah waxa uu Codsigaasi Aadminimo codsaday, kadib, markii ay Xaaskiisa dhawaan ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay magaalladda BURLINGTON.

- Advertisement -

Saciid Cilmi oo shaqaale ka ah Shirkad dharka samaysa waxa uu sheegay inay murugo ka qaadeen geerideeda, isla markaana uusan wax ehel ah u joogin Maraykanka.

“Tan iyo markii uu shilku dhacay, waxay carruurtayda yar I weydiiyaan halka ay jirto Hooyadooda” ayuu yiri Saciid Cilmi.

Waxa uu intaasi ku daray  haddii ay Hooyadiisa oo haatan ku jirta Xero Qaxooti oo ku taalla Uganda  joogi lahayd Maraykanka inay iyada daryeeli lahayd carruurtiisa inta uu shaqada ku maqan yahay.

- Advertisement -

Allaha U Naxariisto xaaskiisa oo la oran jirey Luul Cali Guure oo 29 jir waxay bilowgii isbuucan ku geeriyootay shil gaari, waxayna ifka kaga tagtay 7 carruur oo da’dooda u dhexeyso hal sanno jir ilaa 12-jir.

Saciid Cilmi waxay isaga iyo xaaskiisa oo ku noolaan jirey Xero qaxooti oo ku taalla Kenya waxay dalka Maraykanka ka heleen Dib-u-dejin dabayaaqadii bishii December ee sannadkii 2016-kii, ku-dhawaad 2 bilood ka hor inta uusan Madaxweyne Donald Trump saxiixeen Amarkii Fulinta ee uu Qaxootiga ka soo jeeda 7 Waddan oo Muslim ah kaga mamnuucay inay Maraykanka soo galaan.

Dhinaca kale, Marxuumadda hooyadeeda ayaa la sheegay inay haatan ku jirto Xero Qaxooti oo ku taalla dalka Kenya.

WQ. Ustaad Nuradin

Xigasho: sevendaysvt.com

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories