HomeCaalamkaDaawo:-Haweeney Soomaali oo ku geriyootay shil gaari oo ka dhacay Maraykanka

Daawo:-Haweeney Soomaali oo ku geriyootay shil gaari oo ka dhacay Maraykanka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd  ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maalintii Sabtida ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLINGTON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka. Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ahayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli […]

- Advertisement -

Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd  ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maalintii Sabtida ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLINGTON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka.

Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ahayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee sevendaysvt.com ayaa qortay in Marxuumadda ay la socotay gaari yar oo ay dareewal ka ahayd Haweeney Somali ah oo lagu magacaabo Sacdiyo Cali oo 29-jir ah, taasi oo la sheegay inay ka badbaaday shilka, inkastoo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Hadal qoraal oo ay Boliska Koonfurta Burlington soo saareen ayey ku sheegeen in gaariga ay Marxuumadda ku geeriyootay uu ku dhacay gaari weyn, kadibna uu ku sii dhacay  derbiga Waddo-lugeedka Laamiga iyo geed, ka hor inta uusan Gaarigu qalibmin.

Boliska waxay sheegeen inay Marxuumadda Luul Cali Guure  iska tuurtay gaariga. Kuna geeriyootay isla goobtii uu shilku ka dhacay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Koonfurta Burlington,  Trevor Whipple ayaa sheegay inay Koox Baaritaan u saareen si ay taageero uga geystaan baaritaanka Shilkaasi, lana soo saari doono Warbixinta shilka oo dhamaystiran.

FG: Fadlan Muuqaalka Warka waxa uu bilaabanayaa 14 ilbiriqsi kadib Mahadsanidiin.

http://www.wcax.com/content/news/Police-ID-passenger-killed-in-supermarket-parking-lot-rollover-485165391.html

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories