HomeCaalamkaMareykanka oo Kenya u diray Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Mareykanka oo Kenya u diray Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweyne Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoral uu dhawaan u diray Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka Maraykanka, oo uu kaga warbixinayey daad-gureynta Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada dalal ka tirsan Caalamka. Webssaytka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ee  whitehouse.gov oo lagu soo daabacay Khudbadii Donald Trump oo dhamaystiran ayuu ku […]

- Advertisement -

Madaxweyne Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoral uu dhawaan u diray Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka Maraykanka, oo uu kaga warbixinayey daad-gureynta Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada dalal ka tirsan Caalamka.

Webssaytka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ee  whitehouse.gov oo lagu soo daabacay Khudbadii Donald Trump oo dhamaystiran ayuu ku sheegay inay Maraykanka sii wadaan sidii ay Saaxiibadooda ku sugan Calaamka kala shaqeyn lahaayeen La-dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Alqaacida

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in si gaar ah diiradda loo saarayo Deegaanadda ay Talisyadda Dhexe iyo Afrika mas’uul ka yihiin.

Mar uu Warbixintiisa kaga hadlayey Bariga Afrika waxa ku shaaciyey inay Ciiddamadda Maraykanka weli wadaan dagaalka looga hortagayo Khatarta Daacish iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka uu Donald Trump u gudbiyey Kongareeska waxa kale oo uu ku muujiyey inay Ciiddamadda Maraykanka taageero, La-talin iyo Dagaal-gelin siiyaan Ciiddamadda Gobalka, oo ay ku jiraan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu xaqiijiyey inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen dalka Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalladda Dagaal ee La-dagaalanka iyo kuwa kale ee laga wado Mandiqadda Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale,  Donald Trump waxa uu sheegay inay sii wadayaan Wada-shaqeynta ay Dowladda Jabuuti la leeyihiin, oo iyadu u fasaxday Ciiddamadda Maraykanka inay isticmaali karaan Xuduudaha Jabuuti.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu Ciiddamo dagaalama u diray  Talisyadda dhowr goobood oo ku yaalla Bartamaha Maraykanka, Europe, Afrika iyo  Passific.

Donald Trump waxa kale oo xusay inay Ciiddamadda Maraykanka hawlgallo ka wadaan dalalka Bariga Afrika, Iraq, Lubnaan, Syria,  Gacanka Carbeed, Turkiga, Urdun, Libya, Afganistan iyo Cuba.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta uu Donald Maraykanka u gudbiyey Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka dalkiisa waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Senator ka tirsan Kongareeska Maraykanka ku baaqay in la joojiyo Dhaqaalaha la siiyo Ciiddanka DFS.

Senator Rand Paul oo ah Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka La-socka Kharashaadka Federalka iyo Maareynta Gurmadka ee Aqalka Senedka Maraykanka waxa uu ku eedeeyey inay qaar ka tirsan Ciiddanka DFS xubhno ka yihiin Alshabaab iyo  in 920 carruur ah  la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Federalka Somalia weli kama jawaabin Eedeymaha uu u soo jeediyey Senator Rand Paul

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories