HomeCaalamkaShaqaale u dhashay dalka Sri Lanka kuna xayiran Somaliland oo dib loogu...

Shaqaale u dhashay dalka Sri Lanka kuna xayiran Somaliland oo dib loogu celinayo dalkooda Hooyo.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Sida uu qoray Wargeyska Dailymirror ee ka soo baxa dalka Sri Lanka waxaa socda qorshe 12 Shaqaale u dhashay dalkaasi oo muran dhinaca Shaqada ugu xayiran Maamulka Somaliland dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa lagu sheegay inay Shaqaalahaasi Muhaajiriinta ah ku […]

- Advertisement -

Sida uu qoray Wargeyska Dailymirror ee ka soo baxa dalka Sri Lanka waxaa socda qorshe 12 Shaqaale u dhashay dalkaasi oo muran dhinaca Shaqada ugu xayiran Maamulka Somaliland dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa lagu sheegay inay Shaqaalahaasi Muhaajiriinta ah ku go’doonsan yihiin Somaliland oo sheegata inay ka go’day dalka Jamhuuriyadda Somalia.

- Advertisement -

Wasaaraddu waxay sheegtay inay dib u soo celinta  Shaqaalahaasi ay isku duwayso Safaaradda Sri Lanka ku leedahay magaalladda Addis Abeba ee dalka Ethiopia, iyadoo taageero ka helaysa Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta  (The International Organization for Migration (IOM).

“ Safaaradda Sri Lanka ee magaalladda Addis Abeba waxay kala shaqeynaysaa Xafiiska Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM) ee magaalladda Hargeysa oo soo faragelisay wada-xaajood lala leeyahay Loo-shaqeeyaha ay Muwaadiniinta Sri Lanka u shaqeyn jireen, si loo xaliyo muranka dhinaca Shaqada iyo in la hubiyo sii-dayntooda iyo Tas-hiilaadka sidii ay iyagoo nabad ah ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inaysan Dowladda Sri Lanka wax xiriir Diplomaasiyadeed la lahayn Somaliland iyo Qunsuliyad u joogta midnaba.dhinaca kale, Dowladda Sri Lanka waxay ku bogaadisay Hay’adda IOM doorka ay ka ciyaartay Taageerida Dowladda iyo Dadka Sri Lanka, khaas ahaan dhacdooyin badan oo arrintan oo kale ah.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka waxay ku boorisay dhamaan Muwaadiniintooda inay ka taxadiraan inay ka shaqeeyaan Xuduudaha Khatarta oo aysan Sri Lanka ku lahayn Deganaansho Diplomaasiyadeed iyo Qunsulliyad midnaba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories