HomeCaalamkaKenya oo ka codsan doonta QM kharajkii kaga baxay Hawlgalka AMISOM.

Kenya oo ka codsan doonta QM kharajkii kaga baxay Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay QM weydiisan doonto in Kharaj badan loo soo celiyo sannadkan oo ka bilaaban doonta bisha July ee soo socota. Oo ku aadan Ciiddankooda ku sugan gudaha Somalia ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab. Shabakadda Wararka ee  businessdailyafrica ayaa qortay in Dukumenti ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Kenya muujinayo […]

- Advertisement -

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay QM weydiisan doonto in Kharaj badan loo soo celiyo sannadkan oo ka bilaaban doonta bisha July ee soo socota. Oo ku aadan Ciiddankooda ku sugan gudaha Somalia ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.

Shabakadda Wararka ee  businessdailyafrica ayaa qortay in Dukumenti ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Kenya muujinayo inay Dowladda Kenya rajeynayso magdhow lacageed oo dhan 7.05 Billion ee Shillinka Kenya, taasi oo ka bilaaban doonta bisha July ee soo socota.

- Advertisement -

Soo celinta Lacagahaasi ayaa la filayaa inay hoos u dhacaan 2-da sanno ee soo socota, iyadoo la filayo in la yareeyo tirada Ciiddanka AMISOM ee jooga Somalia.

QM waxay 10-bilood ee la soo dhaafay, kuna ekeyd bishii April ee la soo dhaafay waxay Dowladda Kenya dib ugu celisay lacag dhan  4.6 Billion oo Shillinka Kenya.

Horey waxay lacagahaasi magdhowga dib ugu dhici jireen sidii ay QM u xaqiijin lahaayeen Sheegashada Kharashaadka ay Dowlada Kenya u soo gudbiso QM.

- Advertisement -

Ku-dhawaad 4,000 oo Askar Kneyan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Amisom, Iyadoo ay Beesha Calaamka mushaar ahaan Askari kasta bishii u siiyaan lacag dhan 1,028 Dollar oo u dhiganta 103-kun iyo 828 Shillinka  Kenya.

Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia waxay Askari kasta ka jaraan 200 oo Dollar, maadaama ay Beesha Caalamka kharajka AMISOM usoo marsiiyaan Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories