HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali oo lagu dilay Toogasho ka dhacday dalka Kanada

Muwaadin Soomaali oo lagu dilay Toogasho ka dhacday dalka Kanada

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Marxuum C/fataax Osman “Upti” oo 31-jir ah ayaa lagu dilay Toogasho ka dhacday caasimadda dalka Kanada ee Ottawa, halka haweeney kale oo Somali oo 23-jir  lagu dhaawacay toogashadaasi. Boliska Kanada ayaa sheegay inay Dembiilihii geystay Toogashadaasi ka baadi-goobayaan guud ahaan dalka Kanada, waxayna soo bandhigeen magaciisa iyo sawirkiisa. Eedeysanaha oo Nin Madow ah waxaa magaciisa […]

- Advertisement -

Marxuum C/fataax Osman “Upti” oo 31-jir ah ayaa lagu dilay Toogasho ka dhacday caasimadda dalka Kanada ee Ottawa, halka haweeney kale oo Somali oo 23-jir  lagu dhaawacay toogashadaasi.

Boliska Kanada ayaa sheegay inay Dembiilihii geystay Toogashadaasi ka baadi-goobayaan guud ahaan dalka Kanada, waxayna soo bandhigeen magaciisa iyo sawirkiisa.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo Nin Madow ah waxaa magaciisa lagu sheegay Tristan Campbell, oo 34-jir ah.

Toogashadda lagu dilay, laguna dhaawacay  Muwaadiniinta Soomaalida ayaa la sheegay inuu habeenkii Axadda ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda Ottawa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Marxuum C/fataax Osman“Upti” oo ahaa Aabe 2-carruur leh ayaa la sheegay in Madaxa laga toogtay, halka Haweeneyda iyadana laga toogtay Caloosha lagu daaweynayo Ibsitaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Toogashaddaasi ayaa ah tii 3-aad ee isbuucan ka dhacda dalka Kanada, iyadoo 14 Somali ah lagu dilay dalkaasi sannadkan 2018-ka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories