HomeCaalamkaMario Balotelli oo ku durduriyey Xulka Sacuudiga

Mario Balotelli oo ku durduriyey Xulka Sacuudiga

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xulalka labadaasi Waddan waxay xalay Ciyaar Saxaiibtinimo ku dhex martay Garoonka Kybunpark Stadium ee dalka Switzerland. Ciyaar-yahanka Mario Balotelli ayaana goolkii 1-aad daqiiqadii 1-aad ku daah-furay, iyadoo Kooxda Azzurri ay Sacuudiga ku legdeen 2 gool iyo hal gool. Mario Balotelli oo markii ugu dambaysay xulka Talyaaniga u ciyaaray Koobkii Adduunka ee sannadkii 2014-kii ayaa xalay […]

- Advertisement -

Xulalka labadaasi Waddan waxay xalay Ciyaar Saxaiibtinimo ku dhex martay Garoonka Kybunpark Stadium ee dalka Switzerland.

Ciyaar-yahanka Mario Balotelli ayaana goolkii 1-aad daqiiqadii 1-aad ku daah-furay, iyadoo Kooxda Azzurri ay Sacuudiga ku legdeen 2 gool iyo hal gool.

- Advertisement -

Mario Balotelli oo markii ugu dambaysay xulka Talyaaniga u ciyaaray Koobkii Adduunka ee sannadkii 2014-kii ayaa xalay soo bandhigay Ciyaar xirfadaysan, wuxuuna daqiiqadii 69-aad uu Goolkii 2-aad ka dhaliyey Xulka Sacuudiga.

Mario Balotelli oo 27-jir ah waxa Garoonka laga saaray intaysan ciyaarta dhamaanin, kadib, markii uu muruqa xanuunay.

Xulka Sacuudiga waxaa goolka keliya ee ay dhaliyeen u saxiixay Ciyaartoygooda Yaxya Al-shehri.

- Advertisement -

Mario Balotelli oo 4 sanno ka hor Xulka Talyaaniga uga qeyb galay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalak Brazil waxaa mar kale u yeeray Tababaraha Xulka K/cagta Talyaaniga, in Roberto Mancini oo mar Maareeye u ahaa Kooxda Manchester City.

 

Tababare Roberto Mancini  ayaa sheegay inuu Mario Balotelli nafta ku soo celiyey Kooxda AZZURRI, kadib, markii uu dhaliyey 2-dii gool ee ay ugu itaal sheegteen Xulka Sacuudiga.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories