HomeCaalamkaXulalka K/cagta ee Portugal iyo Tunisia oo barbar-dhacay.

Xulalka K/cagta ee Portugal iyo Tunisia oo barbar-dhacay.

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Labada Xul waxay xalay yeesheen Ciyaar Saxaiibtinimo ku dhex martay Garoonka magaalladda Braga ee dalka Potugal. Ciyaartaasi ayaa la saadaalinayey in Xulka Tunisia lagu barbar doono, balse, waxay la yimaadeen ciyaar wanaagsan oo ku dhamaatay barbardhac min 2-2 gool. Andre Silva ayaa gool madaxa ku dhaliyey daqiiqadii 23-aad, iyadoo Joao Mario u labadeeyey, isagoo darbo […]

- Advertisement -

Labada Xul waxay xalay yeesheen Ciyaar Saxaiibtinimo ku dhex martay Garoonka magaalladda Braga ee dalka Potugal.

Ciyaartaasi ayaa la saadaalinayey in Xulka Tunisia lagu barbar doono, balse, waxay la yimaadeen ciyaar wanaagsan oo ku dhamaatay barbardhac min 2-2 gool.

- Advertisement -

Andre Silva ayaa gool madaxa ku dhaliyey daqiiqadii 23-aad, iyadoo Joao Mario u labadeeyey, isagoo darbo xooggan ku hubsaday Goolka Xulka Tunisia.

Dhinaca kale, Xulka Tunisia waxaa goolasha u kala dhaliyey Anis Badri iyo Faqrudiin Bin Yuusuf.

Xulka Portugal waxaa ka maqnaa Laacibka Crtistiano Ronaldo, oo isaga Kooxdiisa Real Madrid sabtidii u ciyaaray Tartankii Finalka ee Horyaalka Europe.

- Advertisement -

Ciyaartoyda Xulka Portugal waxaa la filayaa inay Ciyaar saaxiibtinimo maalinta Sabtida la yeeshaan Xulka dalka Belgium, iyadoo Kulanka kale ay Xulka Algeria la yeelan doonaan bisha soo socota ee June 7-da.

Tababaraha Xulka Portugal, Fernando Santos waxa uu Ciyaaraha Koobka Adduunka la shir tegi doonaa 13-ciyaartoy, kuwaasi oo isaga horey uga caawiyey inay Kooxda ku guuleysato guusheeda weyn ee Euro 2016-ka.

Kooxda Tababare

Santos waxay ciyaartooda koowaad ee Koobka Adduunka isaga hor imaan doonaan  Xuilka Spain bisha June 15-da, waxayna ciyaarta ka dhici doontaa magaalladda Socchi ee dalka Raashiya.

Xulka Portugal oo ka mid ah Group B, waxay kaloo is-arki doonaan Xulalka Morocco iyo Iran.

Sidoo kale, Xulka Tunisia oo ka tirsan Group G waxay ciyaarta 1-aad la yeelan doonaan England bisha June 18-da, kadibna waxay is-arki doonaan Xulalka Belgium iyo Panama.

WQ. Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories