HomeWararDhageyso:-Axmed Madoobe”Madaxda Dowladda waxa ay weli ku jiraan olole ay markale kursiga...

Dhageyso:-Axmed Madoobe”Madaxda Dowladda waxa ay weli ku jiraan olole ay markale kursiga ugu soo noqon lahaayeen”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu laabtay Magaalada kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland kadib howlo shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday isla markana uu lahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu laabtay Magaalada kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland kadib howlo shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday isla markana uu lahaa muhiimad gaar ah oo ahayd dhamaystirka madasha Dowlad Goboleedyada dalka oo ahayd arin Dastuuri ah.

- Advertisement -

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in ay Dowlada Federaalka ah ku dhiiri galiyeen in ay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hanaAnka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah.

Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Dowladahii dalka soo maray burburka kadib mid walba ay meel soo gaarsiisay dalka balse ay jirto hal meel oo u baahan in wax laga badalo oo ah in wakhtiga la isaga dhumiyo sidii mar kale kursiga loogu soo noqon lahaa

Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Madaxweynahu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka dowlad Goboleedyada kaga khasaartay Dowlada maantana ay wadadii hayso.

- Advertisement -

Howlo kale oo dalka muhiim u ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay jiraan oo ay tahay in iyaga ahmiyad lasiiyo halkii khilaaf iyo xasarad siyaasadeed loo adeegsan lahaa dhaqaalaha Qaranka iyo wakhtiga.

Waxaa uu Madaxweynahu sidoo kale Dowlada Federaalka uga digay in khilaafka Khaliijka oo Soomaaliya looso minguuriya ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah oo aan ahayn midka maanta ee dhinac lagula saftay ama halka danta umadu ku jirto dibna loo raaco xiriirka qotada dheer ee Sucuudiga iyo Imaaradka Qarniyo badan nalaga dhexeeyay oo aan ahayn wax si sahal ah lagu inkiri karo.

gabagabadii Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay dadweynaha ree Jubbaland in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan looga faa’iidaysan xasaradaha iyo qalalaasaha maanta jira isagoo intaas ku daray in qofkii wax tabanaya ay soo dhawaynayaan isla markana wixii Siyaasad ku tartamaya oo Mucaarad ah ay gacmo furan kusoo dhawaynayaan loona ogolyahay in ay Dowlad Goboleedka dhaliilaan oo ay figrad ahaan ku toosiyaan mucaaradnimo wax dhisaysa.

Waxaa uu Madaxweynahu sheegay in wadadii wada hadalka iyo dib u heshiisintu ay wali furan tahay balse aan la aqbali karin shirar iyo fadqalalo meelo kale laga soo ababulo oo aan umada wax dan ah aanay ugu jirin.

Hoos Ka Dhageyso shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts