HomeCaalamka(Warbixin): Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Qatar kadib Khilaafkii Khaliijka

(Warbixin): Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Qatar kadib Khilaafkii Khaliijka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Axadii booqashadiisii ugu horreysay ku tegay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, tan iyo markii uu bilowday Khilaafka Khaliijka bishii June 5-dii  ee sannadkii hore ee 2017-ka. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kulan la  yeeshay Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani, iyagoo ka wada xaajooday Xiriirka laabada dal, Taageeradda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Axadii booqashadiisii ugu horreysay ku tegay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, tan iyo markii uu bilowday Khilaafka Khaliijka bishii June 5-dii  ee sannadkii hore ee 2017-ka.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kulan la  yeeshay Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani, iyagoo ka wada xaajooday Xiriirka laabada dal, Taageeradda Qatar ee Somalia, Xaalladihii ugu dambeeyey Mandiqadda iyo Qoddobadda danta ugu jirto labada dhinac.

- Advertisement -

Waa socdaalkiisii ugu horreeyey tan iyo Khilaafkii Khaliijka, iyadoo DFS sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar kala dhexeeya Qatar.

Docda kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Hoggaamiyihii 7-aad ee ka socda dalalka Afrika ee booqda dalka Qatar tan iyo markii ay Xiisadaha Khaliijka bilowdeen bishii June 5-dii ee sannadkii hore.

Dowladdaha Isbahaysiga Sacuudiga waxay ku eedeeyaan Dowladda Qatar inay maalgeliyaan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, inkasta oo ay Qatar had iyo jeer iska fogeyso Eedeymahaasi.

- Advertisement -

Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku joogo dalka Qatar ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Khilaaf xooggan soo kala dhex galay DFS iyo Dowladda Imaaraadka oo galangal xooggan ku lahayd Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Khilaafka ayaan sii buurtay, tan iyo wixii ka dambeeyey bishi iApril 8-dii ee sannadkan, kadib, markii Diyaarad ka timid Imaaraadka oo Malaayiin Dollar waday lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Diyaaradaasi oo ay la socdeen 47 Askar u dhalatay Imaaraadka waxay waday lacag dhan 9.6 million oo Dollar, taasi oo ay DFS gacanta ku hayso.

Dowladda Qatar waxay galangal u gashay sidi iay DFS ula yeelan lahaayeen Xiriir muhiim ah, si ay fursado ugu helaan inay buuxiyaan kaalintii Imaaraadka kaga jirtay Taageeridda DFS, gaar haaan Hay’addaha Ammaanka iyo Arrimaha Smaafalka.

Dowladda Qatar ayaana la rumeysan yahay inay xiriir mug leh la leeyihiin DFS, marka loo eego Dowladihii kale ee dalka.

Dowladda Qatar waxay bishii November 28-dii ee sannadkii hore la saxiixdeen DFS heshiis ay ku kacayso lacag dhan 200 million oo Dollar, oo loo adeegsanayo Shaqo Abuuris, Taageero Adeegyadda Muhiimka, Tacliinta iyo Xoojinta Dhaqaalahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashadda uu Madaxweyne Farmaajo ku joogo dalka Qatar waxay ku soo beegantay iyadoo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Federalka oo Siyaasad ahaan taageersan Dowladda Imaaraadka uu Shir Wada-tashi ah uga socdo Caasimadda KMG ee K/galbeed ee Baydhabo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories