HomeCaalamkaGanacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo lagu amray inay albaabada u laabaan...

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo lagu amray inay albaabada u laabaan Goobahooda Ganacsi

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Boliska dalkaasi ayaa la geliyey Heegan Buuxda, kadib, markii Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka ee ka xoogsada Degmooyinka Waqooyiga ka xiga magaalladda DARBIN lagu amray inay goobahooda Ganacsiga wada  xiraan maalinta Jimcaha ee soo socota. Shabakadda Wararka ee TimesLive ayaa qortay inay Ururka Ganacsatadda ee Gobalka Waqooyi ee dalkaasi faafiyeen Qoraalkaas Digniinta, iyago osheegay inay […]

- Advertisement -

Boliska dalkaasi ayaa la geliyey Heegan Buuxda, kadib, markii Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka ee ka xoogsada Degmooyinka Waqooyiga ka xiga magaalladda DARBIN lagu amray inay goobahooda Ganacsiga wada  xiraan maalinta Jimcaha ee soo socota.

Shabakadda Wararka ee TimesLive ayaa qortay inay Ururka Ganacsatadda ee Gobalka Waqooyi ee dalkaasi faafiyeen Qoraalkaas Digniinta, iyago osheegay inay mas’uul ka yihiin Ganacsatada caadiga ee Deegaankaas.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa lagu faray Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka inay xiraan goobahooda Ganacsiga iyo inay muddo 14-cisho ku joojiyaan dhamaan Hawlgalladooda Ganacsiga.

Milkiilayaasha Dukaamanka Maxaliga waxay ku eedeeyeen Gnaacsatada shisheeyaha inay iyaga bannaanka ka dhigeen Ganacsigooda, taasi oo sii hurisay Xiisadda.

Muwaadiniinta Soomaalida ee Ganacsiga ku leh Deegaanadda INANDA, NATUZUMA, KAWAMASHU iyo FENOKIS ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay Warqadaasi tahay Cabsi dadban iyo inay mar kale kicin karto Falalkii Shisheeye-nacaybka ee ka dhacay dalkaasi ama kuwo u ek Boobkii  dhacay 4 sanno ka hor.

- Advertisement -

6 qof ayaana lagu dilay iska horimaadyo dhex maray Muwaadiniinta Shisheeyaha iyo Dadka Deegaanka oo isku qabsaday arrimaha shaqada.

Golaha Mujtamaca Soomaalida deggan Gobalka KUWAZULU NATAAL  waxay qoraal u direen Madaxda Deegaanka, Duqa magaalladda iyo Boliska dalkaasi, waxayna ka codsadeen inay so ofarageliyaan Arrinta, lana qaado tallaabooyin, ka hor intaysan xaalladdu isku bedelin colaado ku sii fafai kara Deegaanadda aysan dhibaataddu ka jirin.

Dhinaca kale, Afhayeenada Boliska Gobalka Kuwazulu Nataal, Dhamme Noqobayl Gawaala ayaa u sheegtay Shabakadda TimesLive  in Boliska deegaanka heegan la geliyey,  kuna baraarugsan yihiin  Qoraalka Digniinta ee ku dhex wareegayso Deegaanka.

Waxay intaasi ku dartay inay jiraan Kulamo  lala yeelanayey dhinacyadda kala duwan, si looga wada xaajoodo sidii horey loogu socon lahaa, loogana gudbi lahaa Xiisadda

Afhayeenadda waxay kaloo  xustay inaysan ilaa iyo hataan jirin Cabsi ama Shilal oo Boliska lagu soo wargeliyey, waxayna rajo ka muujisay Kulan kale oo Toddobaadkan looga hadlayo Xiisadda ka dhalatay Qoraalkii Digniinta ahaa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories