HomeCaalamkaAmiirka dalka Qatar oo shaaciyey mowqifkiisa Midnimadda iyo Deganaanshaha Somalia

Amiirka dalka Qatar oo shaaciyey mowqifkiisa Midnimadda iyo Deganaanshaha Somalia

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani waxa uu shalay la kulmay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/lalahi Farmaajo oo maalmahan booqasho ku joogay daalkaasi. Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal, Xaalladaha Ammaanka ee Mandiqadda,Taageeradda ay Dowladda Qatar siinayso DFS iyo Xiisadda Somalia iyo Qatar kala dhexeyso Imaaraadka. Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani […]

- Advertisement -

Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani waxa uu shalay la kulmay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/lalahi Farmaajo oo maalmahan booqasho ku joogay daalkaasi.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal, Xaalladaha Ammaanka ee Mandiqadda,Taageeradda ay Dowladda Qatar siinayso DFS iyo Xiisadda Somalia iyo Qatar kala dhexeyso Imaaraadka.

- Advertisement -

Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani waxa uu Twitter-kiisa @TamimBinHamad  soo dhigay Qoddobadii ay Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen iyo sida ay Dowladda Qatar uga go’an tahay Taageeridda DFS iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmamaay in Xiriirka Somalia iyo Qatar  yahay mid Walaaltinimo iyo Xushmad Wadajirta.

“Dowladda Qatar waxay sii wadi doontaa Taageeradda Midnimadda, Deganaanshaha, Madax-bannaanida iyo Wanaagga dadka Soomaaliyeed” ayuu Twitter-kiisa ku soo qoray Amiirka dalka Qatar.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Socdaalka Mdaaxwweyne Farmaajo ku tegya dalka Qatar ayaa ah booqashadii ugu horreysay tan iyo markii uu dillaacay Khilaafka Khaliijka bishii June 5-dii ee sannadkii hore.

DFS waxay horey u sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar kala dhexeeya Qatar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories