HomeCaalamkaMadaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Danjire C/rixiin Caabi Faarax

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Danjire C/rixiin Caabi Faarax

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Danjire C/rixiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay dalka Mareekanka. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Danjire C/rixiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay dalka Mareekanka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

- Advertisement -

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Danjire C/rixiin Caabi Faarax oo ku geeriyoday Mareekanka. ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum C/rixiin Caabi Faarax Caabi waxaa lagu xasuustaa kaalintii diblomaasiyadeed uu ka ciyaaray sidii Soomaaliya ay u samaysan lahayd saaxiibo badan oo saameyn ku dhex leh Qaramada Midoobay iyo caalamkaba.

Xilalkii ugu muhiimsanaa ee uu soo qabtay Marxuum Danjire C/rixiin Caabi Faarax  waxaa kamid ah Danjiraha Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo sidoo kale ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waana qofka keliya ee Soomaali ah oo derejadaas gaadhay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories