HomeCaalamkaMareykanka oo Warka soo saaray duqeyntii ka dhacday Shabeellaha Hoose

Mareykanka oo Warka soo saaray duqeyntii ka dhacday Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano(Africom)ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen weerarkii ay ka qeyb qaateen oo maalin kahor ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliska ayaa War-Saxaafadeedka waxa ay ku sheegeen in iyaga oo caawin iyo talooyin siinaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga fuliyey howlgalkaas degaanka Bulcida ee […]

- Advertisement -

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano(Africom)ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen weerarkii ay ka qeyb qaateen oo maalin kahor ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ayaa War-Saxaafadeedka waxa ay ku sheegeen in iyaga oo caawin iyo talooyin siinaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga fuliyey howlgalkaas degaanka Bulcida ee dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

“Waxaan la soconaya in dqueyntaas la sheegayo in ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah laakin Warbxinada aan heleyno waan qaadaneynaa anaga oo si adag u sameyneyno baaritaan dheer si loo xaqiijiyo waxa ka jira in weerarkaas lagu dilay dad rayid ah ayaa lagu yiri War-saxafadeedka ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Sidoo kale waxaa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in dib u-eegis lagu sameynayo Warbixinada ay ka helayaan gacanta Saddexaad laakin hadii ay xaqiiqoobaan wararka soo baxaya oo sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen weerarkaas in tallaabo adag ay qaadi doonaan.

Gaba  gabadii ayaa War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in weli ay siiwadi doonaan taageerada Millateri ay siinayaan ciidamada dowladda iyo werarada ka dhanka ah Urrurada waxa loogu yeero argagaxisada.

- Advertisement -

Sikastaba Khamiistii ayaa Muqdisho waxaa la keenay Shan ka mid ah dadkii ku geeriyooday weerarkaas iyo 4 dhaawac ah kuwaas oo dhammaantood la sheegay in ay Shacab ahaayeen,waxana dhinaca kale Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu isna soo bandhigay Magacyada Saraakiil uu sheegay in lagu dilay weerarkaas,kuwaas oo ka tirsanaa Al=-Shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories