HomeCaalamkaSawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal  ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium  ayaa magaalada Oslo ee caasimadda  Norway  kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo saraakiisha laanta  socdaalka Norway ee UDI, Taliska guud ee  booliiska, Xaruunta bixinta kaararka  Aqoonsiga,  Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda  […]

- Advertisement -

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal  ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium  ayaa magaalada Oslo ee caasimadda  Norway  kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo saraakiisha laanta  socdaalka Norway ee UDI, Taliska guud ee  booliiska, Xaruunta bixinta kaararka  Aqoonsiga,  Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda  Norway,

Kulamadaas ayaa diiradda  lagu saaray  iskaashi laga yeesho arrimaha socdaalka , is-dhaafsiga xogta iyo Khibradaha, aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

- Advertisement -

Agaasimaha iyo wafdigiisa oo ka kooban 5-xubnood ayaa madaxda ugu muhiimsan oo ay la kulmeen waxaa kamid ahaa Taliyaha guud ee Booliska Norway, Agaasinka UDI iyo madaxda sare ee Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda iyo arrimaha dibadda oo ay isdhaafsadeen khibrado iyo xog badan oo ku saabsan dhinaca wadashaqeeynta.

Wefdiga uu hogaaminayo Agaasime koofi ayaa booqday xarunta UDI, xarunta Booliiska magaalada Oslo, iyo xarunta kaararka aqoonsiga.

Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Koofi iyo  la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa sidoo kale ka qeybgaley xaflad lagu  soo gabagabeynayey tababaro iyo aqoon isweydaarsi muddo todobaad ah magaalada Oslo  uga socday saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doona dhameystirka heshiis ku saabsan oggolaansha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyadoo horay ay Norway u ogolaatey baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories