HomeCaalamkaSawiro:-Dowladdaha Somalia iyo Finland oo ka wada hadlayo Arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka

Sawiro:-Dowladdaha Somalia iyo Finland oo ka wada hadlayo Arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Islow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Finland ee Helsinki. Wasiir Islow waxa uu casuumaad ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi , Kai Mykkänen, sida lagu soo daabacay Hadal qoraal oo lagu soo daabacay Websaytka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland, […]

- Advertisement -

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Islow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Finland ee Helsinki.

Wasiir Islow waxa uu casuumaad ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi , Kai Mykkänen, sida lagu soo daabacay Hadal qoraal oo lagu soo daabacay Websaytka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland, wuxuuna booqasho 2 cisho ah ku joogi doona dalkaasi.

- Advertisement -

Kulamada ay labada dhinac yeelanayaan waxay kaga xaajoon doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha dadka Soomaalida ee doonaya inay dib ugu soo laaabtaan dalkodoa Hooyo.

Wafdiga Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Islow oo u uka mid yahay Agaasimaha Hay’adda socdaalka Somalia, Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi” waxay u kuur-geli doonaan qaabka shaqo ee Ciiddanka Boliska, Ilaaladda Xuduudaha iyo Hay’adda  Socdaalka ee dalka Finland.

Dowladda Finland ayaa sheegtay inay muhiim u tahay inay DFS iska kaashaadaan Qoddobka la xiriira Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida iyo Iskaashiga ay labada dhinac ka waada faa’ideysan karaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Finland waxay taageero ka geystaan  Deganaanshaha Somalia, Istaraatijiyadda Dib-u-habaynta Boliska, Hawlgalka Ciiddanka Badda Midogwa Europe ka wadaan Badda Somalia iyo Taageerida Xafiiska QM ee Taageeradda Somalai ee UNSOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories