HomeCaalamkaKenya oo ka digtay weeraro cusub oo ay Al-Shabaab ka geystaan...

Kenya oo ka digtay weeraro cusub oo ay Al-Shabaab ka geystaan dalkaas

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasaaradda Difaaca ee Kenya ayaa soo saartay Warbixin Qiimeyn ah oo lagu muujiyey inay Alshabaab maalmaha soo socda weeraro badan ka geysan doonaan qeybo ka mid ah  Kenya Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in loo soo gudbiyey Warabixintaasi ka digaysa Weeraradda ay Alshabaab ku lug leeyihiin ee ka dhici doona dalkaasi. Warbixinta ayaa lagu xusay […]

- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee Kenya ayaa soo saartay Warbixin Qiimeyn ah oo lagu muujiyey inay Alshabaab maalmaha soo socda weeraro badan ka geysan doonaan qeybo ka mid ah  Kenya

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in loo soo gudbiyey Warabixintaasi ka digaysa Weeraradda ay Alshabaab ku lug leeyihiin ee ka dhici doona dalkaasi.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa lagu xusay inay Alshabaab qorsheynayaan sidii ay Miinooyinka dhulka lagu aaso ee IED u gudbiyaan Kenya inta lagu guda-jiro Xilliga Bisha Ramadaan ee soo socota, waa sida hadalka loo dhigay.

.Warbixinta Wasaaradda Difaaca Kenya waxay ku baaqday in Feejignaan dheeraad ah muujiyaan Hay’addaha Ammaanka, gaar ahaan Ciiddanka Hawlgalka Roondada ku sameeya Xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia.

Warbixinta Qiimeynta ee Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa soo baxday, kadib, markii ay Alshabaab 9 Askari oo Kenyan ah ku dileen Qarax miino oo ka dhacay meel ku dhow Degmadda Dhoobley oo u dhow Xadka Kenya.

- Advertisement -

Askartaasi ayaa geeriyootay habeenkii Axadda ee la soo dhafaay, kadib, markii ay Alshabaab qarax la beegsadeen gaarigii ay Askartaasi la socdeen oo noociisu ahaa LAND CRUISER

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey u shaaciyeeen Dagaal ka dhan ah Askarta Kenya, kadib, markii ay Dowladda Kenya ciiddamo u soo dirtay gudaha Somalia sannadkii 2011-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories