HomeCaalamkaQM oo ugu baaqday DFS iyo Alshabaab inay sida ugu dhaqsaha badan...

QM oo ugu baaqday DFS iyo Alshabaab inay sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Carruurta ay Askareeyan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo dhamaan Carruurta Afduubka loo haysto ama kuwa loo qorto inay Dagaalamayaal ka noqdaan Colaadaha Hubeysan ee ka socda gudaha Somalia. Khabiirka oo lagu magacaabo Bahame Tom Nyanduga waxa uu ku booriyey […]

- Advertisement -

Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo dhamaan Carruurta Afduubka loo haysto ama kuwa loo qorto inay Dagaalamayaal ka noqdaan Colaadaha Hubeysan ee ka socda gudaha Somalia.

Khabiirka oo lagu magacaabo Bahame Tom Nyanduga waxa uu ku booriyey in Tallaabo laga qaado sidii loo joojin lahaa Carruurta ka qeyb gala Colaadaha Hubeysan.

- Advertisement -

Waxa uu farta ku fiiqay Carruurta ay DFS iyo Alshabaab u qortaan inay u dagaalamaan ay xad-gudub ku tahay Xuquuqda Carruurta, isla markaana ay carruurtaasi yihiin kuwo Dhibanayaal ah.

Dhinaca kale, Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia oo dhamaystay booqasho 6 maalmood  oo uu ku joogay Somalia waxa uu ku baaqay in la xoojiyo Qeybta Caddaaladda, gaar ahaan Boliska, Garsoorka iyo Hay’addaha kale, iyo in isbedel lagu sameeyo qeybta Ammaanka.

Khabiirkaasi waxa uu soo dhaweeyey Tallaabooyinka ay DFS iyo Beesha Caalamka ka qaadeen sidii loo yareyn lahaa Khasaaraha Nololeed ee ka dhalan lahayn Macluusha, wuxuuna ku baaqay in loo gargaaro Kumanaanka qof eek u barakacay Fatahaadda Roobka iyo Webiyadda.

- Advertisement -

Sidoo kale, Bahame Tom Nyanduga waxa uu DFS ugu baaqay  hagaajinta qeybo ka mid ah Xuquuqda Aadanaha, o oo ay ku jirto Xukunadda Dilalka, wuxuuna dhanka kale si cad u sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto si loo xaqiijiyo guud ahaan Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories