HomeCaalamkaMilliteriga Maraykanka oo kordhinaya Qalabaynta Saldhigga Diyaaradaha ee ku yaalla Balli-doogle

Milliteriga Maraykanka oo kordhinaya Qalabaynta Saldhigga Diyaaradaha ee ku yaalla Balli-doogle

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Milliteriga Maraykanka ayaa kordhinaya Joogitaanka Garoonkaasi oo ku yaalla Gobalka Sh/hoose, iyadoo laga dhisayo  in ka badan 800 oo sariir oo loogu talagalay Askarta ka hawl-gasha Saldhigaasi oo ay Ciiddankii Dowladdii Midowgii Soofiyeeti horey u adeegsan jireen. Mid ka mid ah Qandaraaslayaasha Dhismahaasi, ayaa sheegay inay Waaxda Difaaca Maraykanka maalgelinayso Dhismahaasi, iyagoo ugu yaraan 208 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milliteriga Maraykanka ayaa kordhinaya Joogitaanka Garoonkaasi oo ku yaalla Gobalka Sh/hoose, iyadoo laga dhisayo  in ka badan 800 oo sariir oo loogu talagalay Askarta ka hawl-gasha Saldhigaasi oo ay Ciiddankii Dowladdii Midowgii Soofiyeeti horey u adeegsan jireen.

Mid ka mid ah Qandaraaslayaasha Dhismahaasi, ayaa sheegay inay Waaxda Difaaca Maraykanka maalgelinayso Dhismahaasi, iyagoo ugu yaraan 208 ka mid ah Sariirahaasi loogu talagalay Ciiddanka Maraykanka ee Barnaamijka Loojistikada Rayidka, halka 600 oo kalena loo dhisayo Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Barnaamijak Nabad-ilaalinta

- Advertisement -

Wargeyska VICE NEWS ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in Dhismaha Saldhigaasi oo la bilaabay bishii June ee sannadkii hore muujinayso Caddayntii ugu dambeysay ee Koritaanka Hawlgalladda Maraykanka ee Dagaalladda ka socda gudaha Qaaradda Afrika

Ballaarinta Saldhigga Balli Doogle ayaa qeyb ka ah wax u muuqda in la sii ballaarinayo Mashruuca Milliteriga Maraykanka ee gudaha Somalia.

Dhowr Qandaraaslayaal dhisayo Saldhigga Balli-doogle ayaa u sheegay Wargeyska VICE NEWS in ugu yaraan 6 dhismo oo wax laga ilaaleeyo laga dhisay Saldhigaasi sannadkan oo keliya.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Askarta Soomaalida ku sugan Garoonka Balli-doogle ayaa u sheegay Wargeyskaasi in cabirka Saldhigga aad loo kordhiyey, isla markaana ay Maraykan badan joogaan Saldhigaasi,  isla markaana ay Diyaaradaha maalin kasta ka soo deggaan Saldhiggaas.

Dhismahaasi ayaa qeyb ka ah Dagaalka ay Milliteriga Maraykanka kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM waxaa haatan Somalia ka jooga in ka badan 500  Askar Maraykan ah.

Milliteriga Maraykanka ee jooga Somalia waxay tan iyo sannadkii 2017-kii qaadeen ugu yaraan 48 duqeyn Diyaaradeed, iyagoo sannadkii 2016-kii fuliyey 14 weerar, halka sannadkii 2015-kii fuliyeen 11 weerar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts