HomeCaalamkaTaliska AMISOM ee Soomaaliya oo sheegay inay ku adagtahay la-dagaalanka Al-Shabaab

Taliska AMISOM ee Soomaaliya oo sheegay inay ku adagtahay la-dagaalanka Al-Shabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega oo Suxufiyiinta kula hadlay Hotel ku yaalla magaalladda Muqdisho, waxa u utilmaamay inay Awoodii Alshabaab hoos u dhigeen, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sii raaciyey inay weli cabsi ku hayaan Ammaanka Somalia. Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab isticmaalaan miinooyinka IEDs iyo inay geystaan Weeraro, isla markaana […]

- Advertisement -

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega oo Suxufiyiinta kula hadlay Hotel ku yaalla magaalladda Muqdisho, waxa u utilmaamay inay Awoodii Alshabaab hoos u dhigeen, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sii raaciyey inay weli cabsi ku hayaan Ammaanka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab isticmaalaan miinooyinka IEDs iyo inay geystaan Weeraro, isla markaana ay caqabad weyn noqdeen, tan iyo markii ay ku dhex milmeen dadka rayidka.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu carrabka ku dhuftay inay AMISOM ku adag tahay sidii ay Alshabaab.kula dagaalami lahaayeen.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega waxa uu ka hadlay Qorshaha Daad-gureynta Ciiddanka AMISOM,  wuxuuna xusay in Dowlad kasta oo ay Ciiddamo ka joogaan Somalia looga baahan yahay inay tirada Ciiddankooda yareeyaan sannadka 2021-ka, xilligaasi  oo Ciiddanka AMISOM si kama-dambays ah looga daad-gureyn doono Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Xilli-hawleedka AMISOM dhamaan doono sannadka 2021-ka, sida ku cad Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee uu tirsigiisu ahaa 2372.

- Advertisement -

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega waxa uu xusay in 1,000 ka mdi Askarta AMISOM la dhimi doono bisha October ee soo socota, iyadoo horey bishii December ee sannadkii hore kun Askari laga dhimay  Ciiddanka AMISOM

Ugu dambayntii, waxa uu Afhayeenka sheegay inay 21,000 oo Askari haatan hoos tagaan Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ka kala socda dalalka Djibouti, Ethiopia, Uganda, Kenya iyo Burundi iyo shaqaale kale oo ka kala yimid dalalka Masar, Nigeria, Ghna, Zimbabwe, SIERRA Leone iyo kuwo kale.

Xigasho: New Vision, Ug

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories