HomeCaalamkaMid ka mid ah Wadamada Afrika oo ay ka hawl-galaan Dagaalamayaal isku...

Mid ka mid ah Wadamada Afrika oo ay ka hawl-galaan Dagaalamayaal isku magacaabay Ahlu-sunna Wal-jameeca

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xubnaha laga eryey Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay tababar siiyaan Koox Islaami ah oo la magac baxday Ahlu-sunna Wal-jameeca, kuwaasi oo ku sugan Gobalka CABO DELGADO ee Waqooyiga dalkaasi. Wargeyska madaxa bannaan ee “Mediafax” ee ka soo baxa Caasimadda dalka Mosombiik ee Mabuuto waxa u ushalay qoray Warbixin ku aadan arrintaasi. Wargeysku waxa uu […]

- Advertisement -

Xubnaha laga eryey Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay tababar siiyaan Koox Islaami ah oo la magac baxday Ahlu-sunna Wal-jameeca, kuwaasi oo ku sugan Gobalka CABO DELGADO ee Waqooyiga dalkaasi.

Wargeyska madaxa bannaan ee “Mediafax” ee ka soo baxa Caasimadda dalka Mosombiik ee Mabuuto waxa u ushalay qoray Warbixin ku aadan arrintaasi.

- Advertisement -

Wargeysku waxa uu soo xigtay Cilmi-baaris ay sameeyeen Machadka Dhaqaalaha iyo Daraasaadka Bulshadda (IESE) iyo Hay’adda taageerta Bulshadad Rayidka ee MASC, kuwaasi oo ka shanqariyey inay Kooxaha Islaamiyiinta saldhigyo ku leeyihiin gudaha Mosombiik iyo dibediisa.

Cilmi-baaristaasi ayaa la sheegay inay xaqiijinayso inay tahay markii ugu horreysay ee Kooxaha Islaamka ay Garab Milliteri ka furtaan Degmooyinka ku yaalla Waqooyiga dalkaasi.

Madaxda Kooxda Ahlu-sunna Wal-jameeca ee dalka Mosombiik ayaa sheegay inay soo celinayaan qiimaha Dhaqanka Islaamka, isla markaana ay doonayaan in Shareecadda Islaamka lagu dhaqmo, waxayna diideen inay aqoonsadaan Nidaamka Dowladeed ee ka jira dalkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Alshabaab-ka ku sugan dalalka Somalia, Kenya iyo Tanzania ay tababar siiyaan Maleeshiyadda ku sugan Waqooyiga dalka Mosombiik, waa sida u uqoray Wargeyska “Mediafax”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories