HomeCaalamkaCiidamo Boolis ah oo la wareegay Guri ay Muqdisho ka degan yihiin...

Ciidamo Boolis ah oo la wareegay Guri ay Muqdisho ka degan yihiin Shaqaale Ajnabi ah

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Haweeney Ajnabi ah oo u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC oo Caawa laga afduubtay Guri ay deganeyd oo ku yaalla agagaarka hotelka Shaamow ee laami yaraha Zoobe. Haweeneyda ayaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka lala aaday,waxaana ka soo baxsaday kooxaha afduubtay Nin Soomaali ah oo markii hore lala […]

- Advertisement -

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Haweeney Ajnabi ah oo u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC oo Caawa laga afduubtay Guri ay deganeyd oo ku yaalla agagaarka hotelka Shaamow ee laami yaraha Zoobe.

Haweeneyda ayaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka lala aaday,waxaana ka soo baxsaday kooxaha afduubtay Nin Soomaali ah oo markii hore lala afduubtay balse sidirqi ah kaga soo baxsaday,kadib markii gaarigii lagu afduubtay ay mid ka mid ah taayarada uu ka banjaray.

- Advertisement -

Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Guriga Haweeneyda laga afduubtay oo ay degan yihiin Ajaanib kale la geeyey Ciidamo booliska Soomaaliya ka tirsan kuwaas oo la wareegay ammaanka Shaqaalaha kale ee guriga ku sugan.

Weli lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeysa afduubka Haweeneydaas oo u dhalatay dalka Jarmalka,iyada oo saraakiisha Ciidamada ammaanka Soomaaliya aysan weli ka hadlin.

Dhacdadaan afduubka ah oo horay uga dhici jiray Muqdisho ayaa yaraaday sanadihii u dambeeyey balse uu mararka qaar ka dhici jiray gobolada dalka qaarkood laakin Caawa uu ka dhacay Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories