HomeWararMuqdisho oo 7 May martigelin doonta Shirkii ugu horreeyey oo noociisa ah(Akhriso...

Muqdisho oo 7 May martigelin doonta Shirkii ugu horreeyey oo noociisa ah(Akhriso Maxaa looga hadlayaa?)

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa 7-da Bisha May ee foodda innugu soi hayso la iclaamiyay shir caalami ah oo ku aaddan joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha. Kulankan oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qayb geli doona khabiirro ku xeel dheer degaanka, Qaramada Midoobay laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta,  deeq bixiyayaasha Caalamka, hay’adda cunnada Adduunka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa 7-da Bisha May ee foodda innugu soi hayso la iclaamiyay shir caalami ah oo ku aaddan joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha.

Kulankan oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qayb geli doona khabiirro ku xeel dheer degaanka, Qaramada Midoobay laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta,  deeq bixiyayaasha Caalamka, hay’adda cunnada Adduunka ee FAO iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

- Advertisement -

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay noociisa ah ee lagu qabto Muqdisho ayaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darrada ah, soo saarista iyo adeegsiga aan habooneyn ee Dhuxusha Soomaaliya.

Kulanka oo socon doono muddo labo Maalmood ah waxaa gacan ka geysanaya hay’adda horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Hay’adda QM u qaabilsan degaanka iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO), waxaana maalgelinaya Midowga Yurub, Dowladaha Sweden iyo Talyaaniga.

Dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya waxaa lagu mamnuucay qaraarka tirsiguusu yahay 2012 ee uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya, iyada oo loo sababeynayo saameynta xun ay ku leedahay deegaanka iyo sii hurinta colaadda iyo dhibaatooyinka Beni’aaddinimada.

- Advertisement -

Soomaaliya gudaheeda waxaa la jaray 8.2 milyan oo Geed intii u dhaxeysay 2011 ilaa iyo 2017-kii, taasi oo sare u qaadday nabaad-guurka iyo cunno yarida, isla markaana ganacsiga sharci darrada ah ee Dhuxusha waa isha ugu weyn ee ay dhaqaale ka helaan maleeshiyaadka iyo kooxaha argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo canshuur ka qaata dhuxusha la dhoofiyo.

Kulankan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in si degdeg ah lagu dhiso isbahaysi u dhaxeeya waddamada loo dhoofiyo Dhuxusha, khabiirrada caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha.

Waxaana kulankan looga gol leeyahay in loogu ololeeyo taageero, si loo qaado tallaabo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin in la helo iskaashi iyo maalgashadayaal caalami ah, si Soomaaliya looga joojiyo ganacsiga sharci darrada ah, isla markana loo xoojiyo howlaha socdo ee lagu dhisayo hab-nololeed iyo il-tamareed ka duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts