HomeWararDilal ka dhacay Xaafado ka mid ah Magalada Muqdisho

Dilal ka dhacay Xaafado ka mid ah Magalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal Galabta ka kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolkaan Banaadir. Dilka 1aad ayaa waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley,waxana la sheegay in kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ku dileyn agagaarka Jaamacada Gaheyr ee Degmada Dharkenley. Goobjoogayaal ayaa […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal Galabta ka kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolkaan Banaadir.

Dilka 1aad ayaa waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley,waxana la sheegay in kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ku dileyn agagaarka Jaamacada Gaheyr ee Degmada Dharkenley.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka kadib ay kooxdii dilka geystay oo dhalinyaro ahaa ay goobta isaga baxsadeen,waxana sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda in kastoo aan lagu guuleysan in dadkii dilka geystay la qabto.

Dhinaca kale  kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda wax ay ku dileen meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag ee Magalada Muqdisho,iyada oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilalkaan Galabta ka dhacay Muqdisho oo ay masuuliyadoodu sheegteen Al-Shabaab weli kama hadlin masuuliyiinta degmooyinka Dharkenley iyo Howl-Wadaag iyo waliba laamaha ammaanka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories