HomeWararC/weli Gaas "Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishana ma ahan Soomaaliya"

C/weli Gaas “Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishana ma ahan Soomaaliya”

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo weli ku sugan Magalada Abu Dhabi ee Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa shir jaraa’id uu Warbaahinta halkaasi ugu qabtay waxa uu ku sheegay in Puntland aysan cidna kala tashaneyn heshiisyada ay galeyso,isla markaana ay xaq u leedahay in ay heshiisyo la gasho Shirkado iyo dalal kale intaba.

Shirkiisa jaraa’id oo uu ku baxayay luuqada Englishka ayaa Sidoo kale waxa uu ku sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta tay dowladda kaliya uu taageerada weyn ka helo Maamulka Puntland,isla markaana ay ku nool yihiin Ganacsato farabadan oo Soomaaliyeed mudana ku sugnaa dalkaas.

Cabduweli Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shirkiisa jaraa’id aad u dheeraa ayaa cadeeyay in Puntland xaq u leedahay gelista heshiisyo kasta oo horumarineyd.

“Runtii waxaan cadeynayaa in Puntland ay mar kasta xaq u leedahay in ay heshiis la gasho shirkado iyo dowladdo,Soomaliya ma aha Muqdisho,Muqdishana ma aha Soomaaliya,laakin mar walba majirto wax naga hor isatagaya in ay heshiisyo Cuusb galno ayuu yiri Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

 

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya  dhismaheeda uu ka horeeyey Maamulka Puntland,waxa uuna sheegay in dowladda la dhisay Sanadkii 2004 laakin Puntland uu yahay Maamul ka horeeyay dowladda kaas oo la dhisay Sanadkii 1998,dii Sida uu hadalka u dhigay.

Gaba gabadii ayuu shegay in Dastuurka Puntland qodobkiisa 54aad uu qorayo in Puntland ay awood buuxda u leedahay in ay heshiisyo la gasho Shirkado iyo dalal kale intaba.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kaas oo sababay in Imaaraadka ay joojiso tababarkii ay siin jirtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland oo ku baxaya luuqada English-ka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories