HomeCaalamkaDowladda Spain oo loolan ugu jirta Taliska Dhexe ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda...

Dowladda Spain oo loolan ugu jirta Taliska Dhexe ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladda Spain ayaa doonaysa in Xarunta Dhexe ee Taliska Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda loo soo wareejiyo dalkeeda. Taliska Dhexe ee Hawlgalkaasi oo haatan ku yaallaa Deegaanka Northwood ee magaalladda London ee dalka Britain, ayaa la filayaa in laga soo wareejiyo, iyadoo  Dowladda UK  si rasmi ahaan uga baxayso  Heshiiska Ururka Midowga Europe sannadka […]

- Advertisement -

Dowladda Spain ayaa doonaysa in Xarunta Dhexe ee Taliska Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda loo soo wareejiyo dalkeeda.

Taliska Dhexe ee Hawlgalkaasi oo haatan ku yaallaa Deegaanka Northwood ee magaalladda London ee dalka Britain, ayaa la filayaa in laga soo wareejiyo, iyadoo  Dowladda UK  si rasmi ahaan uga baxayso  Heshiiska Ururka Midowga Europe sannadka soo socda.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Spain, General Fernando Alejandre Martinez waxa uu sheegay inay xaqiiqdii muhiim u tahay dalkiisa inay Xarun Dhexe u noqoto Hawlgalka EU-da (Atalanta operation) ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay  inay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka Atalanta operation ka dhigi doonaan magaalladda ku taalla Koonfurta Spain ee ROTA, oo ay Ciiddamo Maraykan ku leeyihiin Saldhig.

Dhinaca kale, Ciiddanka Spain waxay ka mid yihiin Ciiddamadda EUFOR ee qeybta ka ah Hawlgalka lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda Soomaalida.

- Advertisement -

Hawlgalkaasi ayaa bilowday sannadkii 2008-dii, kadib, markii ay Burcad-baddeeda afduubteen Badmaaxiin iyo Maraakiib, oo ay ka qaadan jirey lacago madax-furasho ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories