HomeCaalamkaXulka 17-jirada Soomaaliya oo u soo gudbay kama danbeysta Tartanka Bariga iyo...

Xulka 17-jirada Soomaaliya oo u soo gudbay kama danbeysta Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen fnalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika. Ciyaarahan oo ka socda dalka Burundi ayaa xulka Soomaaliya waxay ka adkaadeen ciyaartii Semifinalaha xulka dalka Uganda oo ay gool iyo waxba kaga awood roonaadeen. Goolka waxa u dhaliyay ciyaarhaan Farxaan Duqow. […]

- Advertisement -

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen fnalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaarahan oo ka socda dalka Burundi ayaa xulka Soomaaliya waxay ka adkaadeen ciyaartii Semifinalaha xulka dalka Uganda oo ay gool iyo waxba kaga awood roonaadeen. Goolka waxa u dhaliyay ciyaarhaan Farxaan Duqow. Sidoo kale, xulka Uganda ayaa iska khasaariyay gool ku laad ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta.

- Advertisement -

Soomaaliya, ayaa finalaha la dheeli doonta xulka dalka Tanzania 29-ka bishan April, ee maalinta Axadda ah. Tanzaina ayaa iyagana 2-1 kaga soo adkaaday xulka dalka Kenya.

Xulka Soomaaliya, ayaa noqotay kooxda kaliya ee wareegga koowaad ku soo baxda 7 dhibcood, iyagoo sidoo kale aan wax gool ah laga dhalinin sharciyan, kadib markii ciyaartii koowad oo ay la dheleen Itoobiya dhibicihi iyo goolashiiba Soomaaliya loo soo celiyay. Itoobiya ayaa lagu heley xad-gudub ah inay soo safeen ciyaartoy da’ weyn.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories