HomeCaalamkaUganda oo Saldhig Ciiddanka Cirka ah ka dhisan doonta Magaalladda Baraawe

Uganda oo Saldhig Ciiddanka Cirka ah ka dhisan doonta Magaalladda Baraawe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Muhoozi ayaa sheegay in Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kuna sugan magaalladda Baraawe ay ka go’een inay Sahayda u soo maraan Waddooyinka. Waxa uu tilmaamay inay sii korodhay Walaaca ay ka qabaan Miinooyinka iyo Weeraradda ay Alshabaab  la beegsadaan Gaadiidka AMISOM ee sahayda u daabula […]

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Muhoozi ayaa sheegay in Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kuna sugan magaalladda Baraawe ay ka go’een inay Sahayda u soo maraan Waddooyinka.

Waxa uu tilmaamay inay sii korodhay Walaaca ay ka qabaan Miinooyinka iyo Weeraradda ay Alshabaab  la beegsadaan Gaadiidka AMISOM ee sahayda u daabula magaalladda Baraawe.

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda waxa uu caddeeyey  in Sahayda Ciiddankaasi haatan doonyo looga qaado Dekedda Muqdisho, si loo gaarsiiyo Dekedda Baraawe.

Dhinaca kale, General David Muhoozi waxa uu carrabka ku dhuftay  inay ka fekerayaan sidii ay Saldhig Diyaaradeed uga dhisan lahaayeen magaalladda Baraawe, si ay Ciiddanka AMISOM ugu fududaato daabulista Ciiddanka iyo Sahayda kala duwan ee ay u baahan yihiin.

Mar wax laga weydiiyey Diyaaradaha Helikoptarka ee ay Dowladda Maraykanka ugu deeqday Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu qiray inay Maraykanka siiyeen Diyaaradahaasi, si ay ugu adeegsadaan La-dagaalanka Alshabaab.

- Advertisement -

Waxa uu xusay in 5 ka mid ah Diyaaradahaasi haatan joogaan Uganda, isla markaana ay Tababar u socdaan Duulliyayaasha kaxayn lahaa Helikoptaradaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories