HomeCaalamkaHaweeney Soomaali ah oo lagala laabtay Dhalashada Mareykanka

Haweeney Soomaali ah oo lagala laabtay Dhalashada Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Fowsia Cabdi Aadan oo 51-jir ah ayaa la sheegay lagala laabtay Aqoonsiga Muwaadinimadda Maraykanka (U.S. Citizenship), kadib, markii ay Maraykanka si been abuur ah ku soo gelisay Nin ay sheegtay inuu yahay Saygeeda iyo 2 carruur ah oo aysan dhalin. Susan Richard Nelson oo ka tirsan Garsoorayaasha  Federal oo ka tirsan Maxkamadda Heerka Degmo ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Fowsia Cabdi Aadan oo 51-jir ah ayaa la sheegay lagala laabtay Aqoonsiga Muwaadinimadda Maraykanka (U.S. Citizenship), kadib, markii ay Maraykanka si been abuur ah ku soo gelisay Nin ay sheegtay inuu yahay Saygeeda iyo 2 carruur ah oo aysan dhalin.

Susan Richard Nelson oo ka tirsan Garsoorayaasha  Federal oo ka tirsan Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota ayaa shalay ku dhawaaqday inay Waaxda Caddaaladda Maraykanka go’aamisay in Fowsia Cabdi Aadan lagala laabtay Dhalashadda Maraykanka, kadib, markii lagu helay inay qaab been abuur ay ku keentay dalkaasi dad ay ku sheegtay Saygeeda iyo carruur ay dhashay.

- Advertisement -

Fowsia Cabdi Aadan waxay dalka Maraykanka gashay sannadkii 2001-dii, iyadoo ku gashay Fiisaha lagu bixiyo Nidaamka Bakhti-yaa-nasiibka ee loo yaqaano (visa lottery program).

Garsoore Susan Richard Nelson waxay kaloo sheegtay in Waraaqaha Dhalashadda Maraykanka lagala laabtay dadkii ay sida qaldan ku soo gelisay Maraykanka, kuwaasi oo kala ah: Axmed Maxamed Warsame oo 53-jir ah oo ay sheegtay inuu saygeeda yahay iyo 2 qof oo ay sheegtay inay dhashay, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:  Mustaf Cabdi Aadan oo 33-jir ah iyo Faysal Jaamac Mire oo 31-jir ah.

Si kastabaha ahaatee, Kiiskan ayaa la sheegay inuu qarxay, kadib, markii ay Baarayaal ka socda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Ammaanka Diplomaasiyadda ku soo baraarugeen sannadkii 2010-kii, kadib, markii uu Axmed Maxamed Warsame oo ay Fowzia Abdi Aden sheegtay inuu saygeeda yahay uu codsaday inuu Maraykanka keeno Xaaskiisa Runta, oo lagu magacaabo Yurub Jamaac Hirad oo haysata Dhalsahadda dalka Yemen, taasi oo ay is-guursadeen sannadkii 1996-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts