HomeCaalamkaHay’adda Human Rights Watch oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka...

Hay’adda Human Rights Watch oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka lagu fara-xumeeyo dalka Yemen

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer oo ay kaga hadashay Tacadiga Qaxootiga iyo Magangelyo-dioonka loogu geysto dalkaasi, waxaana si gaar ah loo xusay in Ciiddanka Yemen ee ay Dowladda Imaaraadka tababartay xadgudub baahsan u geystaan Qaxootiga ku nool magaalladda Cadan. Human Rights Watch (HRW) oo Xarunteeda Dhexe […]

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer oo ay kaga hadashay Tacadiga Qaxootiga iyo Magangelyo-dioonka loogu geysto dalkaasi, waxaana si gaar ah loo xusay in Ciiddanka Yemen ee ay Dowladda Imaaraadka tababartay xadgudub baahsan u geystaan Qaxootiga ku nool magaalladda Cadan.

Human Rights Watch (HRW) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Washington ee dalka Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Yemen diidan tahay inay muhiimad siiyaan Qaxootiga magangelyo-doonka ah, isla markaana ay si khaasab ah uga masaafuriyaan Dekedda Cadaan.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Qaxootiga ku xirnaa Yeman ayaa u sheegay Hay’adda Human Rights Watch inay Ilaaladda Yemeniyiinta jir-dil iyo Kufsi u geystaan Qaxootiga, kuna hanjabaan inay dili doonaan ama masaafurin doonaan.

Agaasimaha Xuquuada Qaxootiga ee Human Rights Watch, Bill Frelick ayaa sheegay in Ilaaladda Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan inay jir-dilaan ragga, kuna xad-gudbaan Haweenka iyo Wiilasha, waa sida uu haadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in Boqolaal Qaxooti la masaafuriyey, iyagoo la saaray doonyo aad loo buux dhaafiyey.

- Advertisement -

Dhinaca kale,Warbixinta Human Right Waech waxaa kaloo lagu sheegay in xarunta lagu fara-xumeeyo Qaxootiga oo ku taallo Deegaanadda ay Dowladda Yemen ka taliso, inkastoo ay Ciiddamo ay tababareen Imaaraadka Carabta gacanta ku hayaan Xaruntaasi.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Yemen iyo Ciiddanka Imaaraadka ka gaabsadeen inay ka hadlaan Tacadiyadda Qaxootigaas loogu geysto Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories