HomeWararDhageyso:-Natiijada doorasho Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Dhageyso:-Natiijada doorasho Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday  Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin. Doorashada  ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax kuwaas oo kala ahaa  Cabdullaahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday  Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Doorashada  ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax kuwaas oo kala ahaa  Cabdullaahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) iyo Cabdulle Faarax  Xersi.

- Advertisement -

Tirinta codadka markii ay soo gaba gaboowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorshooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

Xildhibaanka Cusub ee Maanta la doortay Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in doorashadan ay tijaabo u tahay Guddiga madaxa banaan oo laga sugayo in dalka aay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah,waxa uuna u mahad celiyey musharixiinta la tartantay.

Ugu dambeyn Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed sheekir Cali Xasan oo Goobjoog ka ahaa goobta ay doorashada ka dhaceysay ayaa sheegay doorashadaan ay uga duwan tahay doorashooyinkii horay loo qabtay maadaama Xarunta maamulka Galmudug ee dhuusamareeb lagu qabtay markii ugu horeysay Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka,waxa uuna kula dardaarmay xildhibaanka Cusub ee la doortay in sicadaalad ah uu Bulshadiisa ugu adeego.

- Advertisement -

Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ee Maanta ka dhacday Magaalada dhuusamareeb ayaa aheyd tii ugu horeysay ee lagu qabto iyo tii ugu dambeysay,waxaana Xildhibaan Cabdullaahi Weli Faarax uu soo gaba gabeeyey Xubnihii ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo ilaa Saddex kursi oo kale lagu qabtay Magaalooyinka Kisamayo,Jowhar iyo Muqdisho.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Doorashadii Maanta.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts