HomeWararSawirro:-Wafdi ka socda Hay’adaha u xil saaran dib-u-eegista Dastuurka oo gaaray magaalooyinka...

Sawirro:-Wafdi ka socda Hay’adaha u xil saaran dib-u-eegista Dastuurka oo gaaray magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Labo wafdi oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kala gaareen magaalooyinka Kismaayo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dawlad Goboleedka Jubbaland iyo magaalada Baydhabo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Ujeeddada labada safar ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ujeeddada labada safar ayaa ah in sedexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay Dawlad Goboleedyada ka talageliyaan tubta Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo hogaaminayay wafdigii gaaray Kismaayo ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland, waxa uuna Wasiir Xoosh sheegay inta ay joogaan Kismaayo inay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Bulshada Rayidka Jubbaland.

- Advertisement -

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo hogaaminayay wafdigii gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Wafdigan Baydhabo gaaray ayaa waxay kulan soo dhawayn ah la yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Xuseen “Eelaay” iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane C/llaahi Sheekh Xasan.

Ugu damabayn, banbax hawleedyadan ayaa ah kuwo Wasaaradda ay ku dardargelineyso waajibaadka saaran iyada oo kaashaneysa Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts