HomeCaalamkaImaaraadka oo sheegay inay DFS abuurayso Iska-caabin ka dhan ah Dowladooda

Imaaraadka oo sheegay inay DFS abuurayso Iska-caabin ka dhan ah Dowladooda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Anwar Gargaash oo xalay ka hadlay magaalladda Dubai waxa uu sheegay inay DFS abuurayso Masiibo aan loo baahnayn, wuxuuna si kulul u cambaareeyey Diyaaradii Imaaraadka ee  lacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. “ Dowladda haatan ka jirta Somalia waxay ku xadgudubtay Heshiisyo iyo […]

- Advertisement -

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Anwar Gargaash oo xalay ka hadlay magaalladda Dubai waxa uu sheegay inay DFS abuurayso Masiibo aan loo baahnayn, wuxuuna si kulul u cambaareeyey Diyaaradii Imaaraadka ee  lacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

“ Dowladda haatan ka jirta Somalia waxay ku xadgudubtay Heshiisyo iyo Is-faham ay la galeen Imaaraadka” ayuu yiri oo jira Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Anwar Gargaash.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay DFS Xiisado aan muhiim ahayd u abuurayso Saaxiib iyo Isbahaysi si loo joojiyo xaalladaha madow ee Deganaanshaha iyo Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay Dowladda Somalia inay muujiso Caaqilnimo iyo sababta ay ku guuleysan karto.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay, iyada oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta si kulul u cambaaraysay Diyaaradii Lacagtii waday ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in Lacagtaasi loogu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo Ciiddanka Somalia ee ay Imaaaradka tababaraan.

Wakaalladda waxay kaloo sheegtay inuu jirsay Heshiis ay Dowladda Imaaraadka la gashay DFS jaka saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Milliteriga bishii November ee sannadkii 2014-kii

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories