HomeCaalamkaSaddex qof oo ku dhimatay gaari la jiirsiiyay dad ku sugnaa Magaalo...

Saddex qof oo ku dhimatay gaari la jiirsiiyay dad ku sugnaa Magaalo ku taalla Jarmalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in gaari la jiirsiiyay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Muenster, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof. Dhacdadan ayaa loola tacaamulay sida weerar oo kale, balse wali lama xaqiijin inay ahayd iyo in kale weerar argagixiso. Booliiska ayaa sheegay in gaari loo […]

- Advertisement -

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in gaari la jiirsiiyay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Muenster, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.

Dhacdadan ayaa loola tacaamulay sida weerar oo kale, balse wali lama xaqiijin inay ahayd iyo in kale weerar argagixiso.

- Advertisement -

Booliiska ayaa sheegay in gaari loo kaxeeyay dhanka goob laamiga dhinaceeda ah oo ku taalla bartamaha Muenster.

Gaarigan ayaa dhex jiiray dad badan oo adeeganayay, miisas iyo kuraas yaalay banaanka maqaayad halkaasi ku taallay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la dhaawacay, iyada oo booliiskuna ay sheegeen in lix ka mid ah dadkaasi ay dhaawacyadoodu halis yihin.

- Advertisement -

Darawalkii waday gaariga ayaa is dilay. Booliiskuna ma aysan shaacin sababta ka dambeysay inuu is dilo ninkaasi, balse weerarka ayaa kusoo beegmaya kaddib sanad markii rag hubeysan oo islaamiyiin ah ay gaari jiirsiiyeen meel dad badan ay ku sugnaayeen oo banaanka ka ah goob allaabo lagu iibiyo, waxa ayna halkaasi ku dileen shan qof.

Weerarkaasi ayaa waxaa qirtay inuu ka dambeeyay nin magaciisa ku sheegay Uzbek oo ahaa magangalya doon ku sugnaa Jermalka. Haatan waxaa lagu maxkamadeynayaa Jarmalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories