HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali ah oo lagu dhex dilay Goobtiisa Ganacsi dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dhex dilay Goobtiisa Ganacsi dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wararka laga helayo Degmadda Manenberg ee ka tirsan magaalladda Cape Town ee dalkaasi ayaa sheegay in Burcad Koonfur Afrikaan toogasho ku dileen Ganacsade Soomaali oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga. Ganacsadahaas ayaa la sheegay in shalay subax lagu dilay goobtiisa Ganacsiga oo ku taalla Renoster Road ee Degmadda   Manenberg ee Gobalka Western Cape ee dalkaasi. Waa […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo Degmadda Manenberg ee ka tirsan magaalladda Cape Town ee dalkaasi ayaa sheegay in Burcad Koonfur Afrikaan toogasho ku dileen Ganacsade Soomaali oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga.

Ganacsadahaas ayaa la sheegay in shalay subax lagu dilay goobtiisa Ganacsiga oo ku taalla Renoster Road ee Degmadda   Manenberg ee Gobalka Western Cape ee dalkaasi.

- Advertisement -

Waa Dhibanihii ugu dambeeyey ee Soomaali ah ee lagu dilo rabshadaha hubeysan ee ka dhex socda Mujtamaca Degmadda Manenberg.

Haweeeneyda  madaxda u ah Bulshadda Degmadaasi oo lagu magacaabo Roegshanda Pascoe oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Ganacsadaha Soomaalida la dilay abaarihii 8-dii aroornimo ee shalay oo Jimco ahayd.

Waxay intaas ku dartay in dadkii ay la hadashay u sheegeen inuu Marxuumka ahaa Nin Wanaagsan, isla markaana ka xun yihiin toogashada lagu dilay.

- Advertisement -

Burcadda Hubeysan iyo Kooxaha Daraagistaha ee dalka Koonfurta Afrika waxay inta badan beegsadaan Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga ee Shisheeyaha ku nool dalkaasi, gaar ahaan Ganacsatada Soomaalida iyo kuwo kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories