HomeCaalamkaBarlamaanka Uganda oo dalbaday in Ciidankooda laga soo saaro Somalia

Barlamaanka Uganda oo dalbaday in Ciidankooda laga soo saaro Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiye-ku-Xigeenka Barlamaanka Uganda, Jacob Oulanyah waxa uu shalay ka hor joogsaday Xildhibaan iyo Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi inay miiska soo saaraan Liiska Magacyadda Askartii UPDF ee bishan 1-dii lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Degaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose. Jacob Oulanyah waxa uu tilmaamay inay […]

- Advertisement -

Guddoomiye-ku-Xigeenka Barlamaanka Uganda, Jacob Oulanyah waxa uu shalay ka hor joogsaday Xildhibaan iyo Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi inay miiska soo saaraan Liiska Magacyadda Askartii UPDF ee bishan 1-dii lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Degaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.

Jacob Oulanyah waxa uu tilmaamay inay sii kordhayso Dareenka dadka Reer Uganda ee ku aadan Askartii lagu dilay Somalia, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Museveni iyo Afhayenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire bixiyeen tirooyin kala duwan oo ku aadan Askartii looga dilay Buulo-mareer.

- Advertisement -

Guddoomiye-ku-Xigeenka Barlamaanka Uganda, Jacob Oulanyah waxa uu ugu baaqay Dowladda Uganda inay soo gudbiyaan Qorshahooda ku aadan sidii Ciiddaanka Uganda looga soo saari lahaa Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Uganda,  Adolf Mwesige oo kqa hadlay Fadhigii shalay ee Xildhibaanadda Barlamaanka Uganda waxa uu sheegay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo Hay’addo kale kala hadleen qorshaha Ciiddanka Uganda looga soo saarayo Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray inay QM isu af-garteen inay Ciiddanka UPDF sii joogaan Somalia tan iyo inta ay Cabsida Alshabaab  taagan tahay, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska OBSERVER ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inay arkeen Liiska Askarta Uganda ee lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalkii bishan April 1-dii ka dhacay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories