HomeWararDhageyso:-Ciidamo taabacsan gudoomiye Jawaari oo la wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Dhageyso:-Ciidamo taabacsan gudoomiye Jawaari oo la wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya halkaas oo la filayay Maanta in uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,waxana jira buuq farabadan oo Xarunta ka taagan. Wariyayaashii ku sugnaa Xarunta golaha ayaa isaga soo tagay kadib markii loo diiday in ay Xarunta galaan,wxana sidoo kale la arkayaa Ciidamo farabadan oo ku […]

- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya halkaas oo la filayay Maanta in uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,waxana jira buuq farabadan oo Xarunta ka taagan.

Wariyayaashii ku sugnaa Xarunta golaha ayaa isaga soo tagay kadib markii loo diiday in ay Xarunta galaan,wxana sidoo kale la arkayaa Ciidamo farabadan oo ku sugan xarunta Baarlaamanka.

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Xarunta Golaha Shacabka ay la wareegeen Ciidamo taabacsan guoomiye Jawaari kuwaas oo xildhibaanada u diiday in ay galaan gudaha Howlka shirarka ee Xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Casiis Cabdullaahi Dhagaqool oo banaanka hore ee Xarunta Golaha kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Jawaari Baarlaamnkii uu u adeegsaday Awoow,isla markana uu ku jiro qodob xasaanada looga qaadi karo.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Gudaha howlka Golaha Shacabka ay ku jiraan gudoomiyaha Baarlamaanka,kuxigeenkiisa 2aad iyo ciidamo ay wataan.

- Advertisement -

Arrintaan ay ayaa ku soo aadeysa xili kal hore Gudoomiye Jawaari shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Xarunta Golaha Shacabka ay xoog kula wareegeen Ciidamo ay dirtay xukuumadda Soomaaliya,isaga oo dalbaday in laga qaado,waxana ciidamadaas laga qaaday mudo laba maalin ka hor ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories