HomeCaalamka68 ruux oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi Venezuela ku yaalla

68 ruux oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi Venezuela ku yaalla

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Mudaaharaadyo iyo dab ka kacay magaalada Valencia ee dalka Venezuela ayaa sababtay in ay 68 ruux geeriyoodaan, sida ay saraakiisha dawladdu sheegeen. Tarek Saab oo ah dacwad oogaha gobolka ayaa sheegay in ay si dhakhso ah u billaabi doonaan baaritaannada waxa sababay arrintaas. Dabka ayaa la sheegay in uu Arbacadii billawday ka dib markii ay […]

- Advertisement -

Mudaaharaadyo iyo dab ka kacay magaalada Valencia ee dalka Venezuela ayaa sababtay in ay 68 ruux geeriyoodaan, sida ay saraakiisha dawladdu sheegeen.

Tarek Saab oo ah dacwad oogaha gobolka ayaa sheegay in ay si dhakhso ah u billaabi doonaan baaritaannada waxa sababay arrintaas.

- Advertisement -

Dabka ayaa la sheegay in uu Arbacadii billawday ka dib markii ay maxaabiistu dab qabadsiiyeen furaashyo iyaga oo isku dayaya in ay xabsiga ka baxsadaan.

Booliiska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa si ay ukala eryaan qaraabadii maxaabiista oo isugu yimid agagaarka xabsiga, ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in uu xabsiga gubanayo.

Jesus Santander oo ah masuul ka tirsan dawladda ayaa xaqiijiyay in la toogtay askari dabka ka dib, xaaladdana gacanta lagu hayo.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in ay subax u ahayd gobolka Carabob marka uu dabkan ka kacay.

Qaraabada maxaabiista ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah maxaabiista ay u dhinteen qiiqii oo ay ku neefqabatoobeen.

Qaar ka mid ah carruurtii iyo dumarkii booqanayay maxaabiista ayaa loo malaynayaa in ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories