HomeCaalamkaQM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab

QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Jimciyadda Quruumaha ayaa sheegtay inay sii kordhayaan Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ay Dalkooda […]

- Advertisement -

Jimciyadda Quruumaha ayaa sheegtay inay sii kordhayaan Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ay Dalkooda dib ugu celiyaan Bilaha soo socda, markii ay iyaga sidaasi codsadeen.

- Advertisement -

“Gaadiidkii Dadkaan qaadi lahaa ayaannu diyaarinaynaa, waxaanan rajeynaynaa in Dadka doonaya inay Dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa Sidoo kale sheegtay in tan iyo Bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku laabteen 1,315 Qaxooti ah, kuwaasoo iskood u doortay inay Dalkooda dib ugu laabtaan.

75,157 Qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ayay sheegtay inay dib ugu laabteen Dalkooda Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay, iyadoo intaas ku dartay in Qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo Qof.

- Advertisement -

Tallaabadani lagu daabulayo Qaxootiga ayaa ah mid ku xiran dib u furidda Waddada laga soo galo xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Magaalooyinka Libooya Kenya iyo Dhoobleey Soomaaliya.

Xuduudda kala qaybisa Labada magaalo ayaa xirnayd muddo Sanad ku dhow, sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo Roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu soo gaarsiinayay Dadkan Soomaaliya.

Sanadii 2014-kii ayay ahayd markii ay hay’adda UNHCR, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya  heshiis Saddex geesood ah ku gaareen in dib loo soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories