HomeWararSawiro:-Gudoomiye Yariisow oo Gudoomiyaasha degmooyinka kala Shiray Amniga Caasimadda

Sawiro:-Gudoomiye Yariisow oo Gudoomiyaasha degmooyinka kala Shiray Amniga Caasimadda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Caasimadda, waxana looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalinta Nabadda Adduunka ee 6da bisha Abriil, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Caasimadda, waxana looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalinta Nabadda Adduunka ee 6da bisha Abriil, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran.

Duqa Muqdisho oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha ciidamadda, Shacabka dhankoodana la doonayo in ay maamulka kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida.

- Advertisement -

“Waxaa naga go’an in amni buuxa ay helaan shacabka ku nool Caasimadda, si taas loo xaqiijiyana waa in bulshadu horseed ka noqoto xasillinta amniga magaalada, maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida Muqdisho.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo ka hadlayey kulanka guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday diyaarinta goleyaasha deegaanka ee loogu diyaar garoobayo sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020 iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay warbixino ku saabsan diyaar garowga maalinta Nabadda iyo Isboortiga Soomaaliya ee 6da Abriil, Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts