HomeCaalamkaDowladaha taageera Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qarixii ka dhacay...

Dowladaha taageera Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qarixii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladaha sida kulul uga hadlay qarixii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay Galab ka dhacay Muqdisho ayaa waa ay kala yihiin Britain, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta,waxa ayna dhammaantood sheegeen in ay aad uga xun yihiin khasaaraha uu u geystay dadka rayidka ahaa. Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Dalka Soomaaliya, David Concar, ayaa sheegay in uu cabaareynayo […]

- Advertisement -

Dowladaha sida kulul uga hadlay qarixii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay Galab ka dhacay Muqdisho ayaa waa ay kala yihiin Britain, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta,waxa ayna dhammaantood sheegeen in ay aad uga xun yihiin khasaaraha uu u geystay dadka rayidka ahaa.

Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Dalka Soomaaliya, David Concar, ayaa sheegay in uu cabaareynayo qaraxaas,oo uu sheegay in aysan wax waanagsan aheyn leynta dadka radidka ah ee aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Dhamaman Waxaa uu tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dadkoodii ku waayay qaraxaas,isaga oo sheegay in Britain ay siiwadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka carabta ayaa iyana soo saaray bayaanno kala duwan oo ay ku cambaareynayaan qarixii shalay ka dhacay waddada Maka Almukaramah ee Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Riyadh ay si weyn uga xuntahay falkaasi qaraxa ah oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

- Advertisement -

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay xoojinayso taageerada Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dowr ka qaadanayso sidii loola dagaallami lahaa Alshabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, ayaa lagu dhaleeceeyay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Warkan qoraalka ah oo ay soo saartay Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku sheegtay in falkani uu muujinayo sida Alshabaab ay u yihiin cadowga shacabka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab sida hadalka loo dhigay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories