HomeCaalamkaDowladda Turkiga oo Xabsiga dhigtay Dad looga shakiyay Daacish

Dowladda Turkiga oo Xabsiga dhigtay Dad looga shakiyay Daacish

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Turkiga ayaa Xabsi ku yaalla Istambuul dhigtay 14 Qof oo looga shakisan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Daacish, sida ay laamaha ammaanka sheegeen Jimcaha Maanta ah. Booliska ka hor taga argagixisada ayaa si isku mid ah ugu howl-galay Sagaal Degmo oo ay Dadka ku badan yihiin, lamana caddeyn xubnahan lasoo qabtay magacyadoodsa […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa Xabsi ku yaalla Istambuul dhigtay 14 Qof oo looga shakisan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Daacish, sida ay laamaha ammaanka sheegeen Jimcaha Maanta ah.

Booliska ka hor taga argagixisada ayaa si isku mid ah ugu howl-galay Sagaal Degmo oo ay Dadka ku badan yihiin, lamana caddeyn xubnahan lasoo qabtay magacyadoodsa sababo jira awgood.

- Advertisement -

Laamaha ammaanka Dalka Turkiga ayaa sheegay inay Degmooyinka qaar kasii socon doonaan  howl-gallada lagu baadi goobayo tuhmanayaasha lala xiriirinayo inay Gacan saar la leeyihiin Daacish.

Tuhmanayaashan ayaa markii lasoo qabanayay isu diyaarinayay weerar, markii laga helay macluumaadyo ay ka mid yihiin Dukumiintiyo iyo qalabka Ellegtarigga ee ay adeegsadaan Daacish,sida laga soo xigtay ilo ku dhow howl-galka.

Ciidanka ammaanka ee Turkiga ayaa la sheegayaa inay muddo badan la socdeen dhaq-dhaqaaqyada kooxdan la qabtay, kuwaasoo qorsheynayay inay weerar ka geystaan gudaha Turkiga.

- Advertisement -

In ka badan 300 oo Shacab ah ayaa  ku naf weyday weerarro ay masuuliyaddiisu sheegatay Daacish oo ka dhacay gudaha Dalka Turkiga, kuwaasoo loo adeegsaday ismiidaamin, Hoobiyeyaal iyo weerarro bareer ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories