HomeCaalamkaMadaxweynayaasha 4 ka mid ah Wadamada Afrika oo lagu casuumay Soomaaliya

Madaxweynayaasha 4 ka mid ah Wadamada Afrika oo lagu casuumay Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

- Advertisement -

Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda H.E. Mr. Paul Kagame, Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti H.E. Mr. Ismail Omar Guelleh, Sudan H.E. Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon H.E. Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.

H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories