HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay gudoomiye Jawaari

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay gudoomiye Jawaari

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay kulankii ugu horeeyay yeeshay tan iyo markii gudoomiyaha mooshinka laga keenay. Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka dhalatay mooshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari kaas oo la sheegayo in ay dabada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay kulankii ugu horeeyay yeeshay tan iyo markii gudoomiyaha mooshinka laga keenay.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka dhalatay mooshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari kaas oo la sheegayo in ay dabada ka riixeyso Xukuumadda kadib markii lagu arkay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada kulamadii Xildhibaanada mooshinka keenay.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  weli ku adkeysanaya in kulanka Golaha Shacabka ee ugu soo horeeya lagu qabto meel ka baxsan Xarunta Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu aqbalay mooshinka laga gudbiyay,isla markaana uu dalbanayo in cod loo qaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa gudoomiye Jawaari waxa uu u sheegay in haatan muhiim ay tahay in xiisada taagan la dejiyo,taas oo sababtay in ay istaagaan Shaqooyinkii Xukuumadda iyo tan Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iyana weli ku adkeysanaya in aysan ka laaban doonin mooshinkaas,waxana Gudoomiyaha xilka looga qaadi karaa markii la helo Saddex meelood laba tirada guud ee Baarlamaanka Soomaaliya ama 180 Mudane.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu isna kulan gaar ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu khilaafka kala dhaxeeyo gudoomiye Jawaari,waxana tallaabada uu Madaxweyne Farmaajo uu ku soo farageliyay xiisada Siyaasadeed ee taagan ay timid ka gadaal markii 17 Bishan ay ka dalbadeen tiro xildhibaano ah oo u tegay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts