HomeCaalamkaLibya oo amartay in la soo xiro koox lagu eedeeyay tahriibinta dadka

Libya oo amartay in la soo xiro koox lagu eedeeyay tahriibinta dadka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashya dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub. Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira tanriibinta dadka, jirdil, dil iyo kufsi. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashya dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.

Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira tanriibinta dadka, jirdil, dil iyo kufsi.

- Advertisement -

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka tirsan yihiin xubno laamaha ammaanka ka howlgala, madaxda xeryaha lagu hayo tahriibayaasha, iyo saraakiil ka tirsan safaaradaha Afrika ee Libya.

Libya ayaa ku jirta xaalad qasan tan iyo intii uu dhacay xukunkii Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Awoodda dalka ayaa waxaa haya maleeshiyo kala duwan iyo labo dowladood oo mucaarad ah, taas oo suurto gelisay in howlaha sharci darrada ah ay ka dhaqan galaan dalkaas.

- Advertisement -

Dalkaasi ayaa noqoday udub dhexaadka boqollaal kun oo tahriibayaal ka soo jeeda waddamada saxaraha ka hooseeya oo isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo badda sii maraya.

Baaritaannada shabakadda dadka tahriibisa ayay Libya kala kaashatay Talyaaniga.

Agaasimaha xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee baaritaannada, Seddik al-Sour, ayaa sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan waaxda socdaalka lagu helay inay ku lug leeyihiin shabakaddan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts