HomeCaalamkaLibya oo amartay in la soo xiro koox lagu eedeeyay tahriibinta dadka

Libya oo amartay in la soo xiro koox lagu eedeeyay tahriibinta dadka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashya dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub. Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira tanriibinta dadka, jirdil, dil iyo kufsi. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka tirsan […]

- Advertisement -

Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashya dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.

Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira tanriibinta dadka, jirdil, dil iyo kufsi.

- Advertisement -

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka tirsan yihiin xubno laamaha ammaanka ka howlgala, madaxda xeryaha lagu hayo tahriibayaasha, iyo saraakiil ka tirsan safaaradaha Afrika ee Libya.

Libya ayaa ku jirta xaalad qasan tan iyo intii uu dhacay xukunkii Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Awoodda dalka ayaa waxaa haya maleeshiyo kala duwan iyo labo dowladood oo mucaarad ah, taas oo suurto gelisay in howlaha sharci darrada ah ay ka dhaqan galaan dalkaas.

- Advertisement -

Dalkaasi ayaa noqoday udub dhexaadka boqollaal kun oo tahriibayaal ka soo jeeda waddamada saxaraha ka hooseeya oo isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo badda sii maraya.

Baaritaannada shabakadda dadka tahriibisa ayay Libya kala kaashatay Talyaaniga.

Agaasimaha xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee baaritaannada, Seddik al-Sour, ayaa sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan waaxda socdaalka lagu helay inay ku lug leeyihiin shabakaddan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories