HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirka Kalluumeysiga oo Ankara kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Turkiga

Sawirro:-Wasiirka Kalluumeysiga oo Ankara kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Turkiga

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo Mas’uuliyiin kale,waxayna kulamo kala duwan ay la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahay ee  dalka Turkiga . Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaliya u fadhiya […]

- Advertisement -

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo Mas’uuliyiin kale,waxayna kulamo kala duwan ay la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahay ee  dalka Turkiga .

Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka turkiga  danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid , Senator  Ilyas Cali Xasan iyo lataliyaha Wasiirka   ayaa la qaatay kulamo kala duwan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo madaxa  hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar  Cam.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa kala hadlay  Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci  intii uu socday shirka sidii  loo hormarin lahaa kalluumeysiga Soomaliya,maadaama dowladda Somaaliya ay baahiweyn u qabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka,Si dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ay uga faa’idaystaan kheyraadka wadanka uu leeyahay  , shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarada shaqo la’aanta ah  ee ku nool wadanka gudihiisa  .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar  Cam ayaa ka wada hadlay  intii uu shirka socday sidii ay TiKa uga caawin laheyd qalabka kalluumeysiga kalluumeysatada Soomaaliyeed,ugana hirgelin laheyd warshadaha kalluunka  gudaha Dalka Soomaaliya,si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda.

Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar  ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka  kuna tilmaamay wax lagu farxo,ayna ka  go’antahay sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariic farabadan gudaha dalka Soomaaliya uguna horeeyo kheyraadka dalka uu leeyahay.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories