HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo tababar Ciidamo ugu soo xiray Muqdisho

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo tababar Ciidamo ugu soo xiray Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaysa shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro Shabaab.

“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”

“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda ugudan lahaayeen.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidamada Tababarka loo soo xiray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts